Muuse Biixi Ma Booqan Doonaa Bariga Gobolka Sanaag Iyo Degmada Badhan Oo Ka Sii Baxaysa Gacanta Somaliland????

Ceel Afweyn (Salaanmedia.com)_ Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo ku guda jira safar uu ku marayo gobollada bariga Somaliland ayaa waxa uu gaadhay gobolka Sanaag waxaana lagu soo dhaweeyay degmooyinka Gar-adag iyo Ceel-afweyn.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa caawa seexan doona degmada Ceel-afweyn iyada oo la filayo in bari u anbabaxo magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

29571393_2053350658241002_7153309769400314200_n-1

Haddaba dadweynaha Somaliland shacab iyo waxgaradba waxa ay is weydiinayaan Madaxwene Muuse Biixi Cabdi ma booqan doonaa bariga gobolka Sanaag oo in dhawaydba ay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed ka wadeen maamulka Puntland iyada oo uu dhawaan safar ku yimid Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.
Murrashaxiin dhawr ah oo u tartamaya Madaxweynenimada maamulka Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay safaro ku marayay deegaano ka tirsan bariga gobolka Sanaag gaar ahaan degmada Badhan, oo maamulka Puntland ka dhisanayo xarunta Baarlamaankooda.
Xildhibaanno iyo waxgaradka reer Somaliland oo maalmihii u dambeeyay la hadlayay warbaahinta ayaa waxa ay sheegayeen in degmada Badhan ay ka sii baxayso gacanta Somaliland, taasi oo ay dayacday xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Xildhibaano ka tirsan labada golle baarlamaan ee wakiillada iyo guurtida oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhaweeyay safarka Madaxweyne balse waxa ay tilmaameen inay muhii tahay in uu gaadho bariga gobolka Sanaag gaar ahaan degmada Badhan oo muhiim u ah Somaliland.
Dadka baraha bulshada wax ku qora ayaa waxa ay sheegayaan in safarka Madaxweynuhu uu dhammaystirmayo marka uu tago degmada Badhan.