Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

RABSHADO KA DHACAY MAGAALADA JIGJIGA, KHASAARAHA KA DHASHAY IYO XAALADA KA TAAGAN

Jigjiga (Salaanmedia.com)_ -Magaalada Jigjiga ee dawlada deegaanka soomaalida Itoobiya ayaa waxa dhacay rabshado sababay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

46922671_2185024805089252_6980434767925739520_n

Rabshadahan ayaa Ka dhashay ka dib markii la xidhay sarkaal ka tirsan ciidamada liyuu booliska oo ay is af dhaafeen askari ka hooseeyey.
Dhalinyaro gadoodsan ayaa rabshado ka sameeyey xadhiga loo gaystay sarkaalkan iyaga oo burbur u gaystay taalada Sayid Maxamed Cabdile Xasan ee ku taala magaalada Jigjiga, iyada oo ciidama amaankuna ay ku guulaysteen inay kala dareeriyaan dhalinyaradan rabshadaha samaysay.
Inta la xaqiijiyey rabshadahan ka dhacay magaalada Jigjiga ayaa waxa ku dhintay hal qof halka ay sadex kalana ku dhaawacmeen.

46677560_2185024771755922_2043184241277140992_n

Xaalada magaalada Jigjiga ee dawlad deegaanka soomaalida ayaa haatan ah mid degan ka dib rabshadihii kala bilaabmay xalay fiidkii hore, waxaanay wararku sheegayaan in wali magaalada laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo lagaga soo horjeedo xadhiga loo gaystay sarkaalka ka tirsan ciidamada Liyuu booliska ee jigjiga lagu xidhay.

46624209_2185024828422583_5254604625062920192_n

Please follow and like us: