Safaarada Somaliland ee UK oo marti-qaad-sharaf ah ku qaabishay Wafti uu hogaaminaayo G Cabdiraxmaan Ciro Bariga Magaaladda London..Nov 07.18

Safaarada Somaliland ee UK oo marti-qaad-sharaf ah ku qaabishay Wafti uu hogaaminaayo G Cabdiraxmaan Ciro Bariga Magaaladda London..Nov 07.18131C2924-4A53-4218-B86C-95F99182D450

 

Waxa Maanta iyo Qada-sharaf lugu soo marti qaaday Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Mudane C/raxman Cirro. Qadadani waxay kulmisay xubno xisbiyada ah, abwaano waa weyn, madaxdhaqameed, wariyaal iyo muwaadiniin xul ah. Jawigu waxa uu ahaa mid Somalilandnimadu ku dheehan tahay. Halkaa waxa hadal soo dhaweyn Gudoomiye Cirro ah ka jeedisay Danjirto Ayaan Cashuur oo sheegtay in Xafiiska Wakiil ka JSL uu yahay mid qaran oo u furan dhamaan Reer Somaliland, Gudoomiye Cirro isna uu mudane yahay in lagu sharfo si weyna loo soo dhaweeyo.FDBDE61B-300C-426C-86A1-A947DAE5A422

Gudoomiye Cirro ayaa isna ka mahadnaqay qado-sharafta iyo maamuuska lagu qaabisay, Danjirto Ayaan Cashuur iyo Xafiiska wakiilkana ku guubaabiyey fahanka in wax laga wada leedahay.EB1D46A0-0ED6-4403-9328-01EA13493FA4

Gabogabadii Qado-sharaftan waa lagu kaftamay, la wada qoslay, duco aamiintana wadar ahaan loo yidhi waxa ku duceeyey sheekh, ahna wariyaha weyn Maxamuud Sheekh Dalmar.
Waxa uu kusoo dhamaaday jawi aad u qurux badan .F5E03775-0493-4675-8262-C602A9E4F552

Salaanmedia/London