Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Waftigii Madaxweyne Muuse Biixi Hogaaminaayey Oo Lagu Soo Dhaweeyey Degmada Sheekh Soona Gaadhay Magaalada Berbera + [ Sawiro / Muuqaal ]

Burco (Salaanmedia.com)_ Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti balladhan oo uu hoggaaminayo oo maalmahan safar shaqo ku marayey gobollada Bari ee dalka, ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyey degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil ido deegaamada u dhexeeya Burco.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo ku gudo jira safarkooda shaqo ee loogu kuurgeliyo xaaladda gobollada bariga iyo habsami-u-socodka hawlaha deegaannadaas ka socda oo maalintiisii 12-aad (laba iyo tobnaad) galay, ayey bulshada ku dhaqan degmada Sheekh ee gobolka Saaxil ku qaabileen dhinaca Bari ee magaalada, waxana ay u galbiyeen madal bilicsan loo asteeyey in shacabka lagala hadlo oo isla gudaha magaalada ku taalla, waxana halkaas laga jeediyey hadallo mahadnaq iyo dardaarn isugu jira.

47158191_1921730134607497_7203529834729832448_n

Guddoomiyaha gobolka Saaxil, Eng. Axmed Cismaan Xasan, Maayarka degmada Sheekh Ibraahim Cabdilaahi Cabsiiye Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka tirsan golaha wakiillada, xildhibaan Khadiija Xuseen Xaaji Xasan oo ka tirsan golaha deegaanka ee degmada Sheekh, xildhibaan Rashiid Aw Xasan Xaaji Aadan oo ka tirsan golaha deegaanka ee Berbera ayaa ka hadlay madasha madaxweynaha iyo weftigiisa lagu soo dhaweynayey, ayaa si isku mid ah shacabka degmada Sheekh ugu bogaadiyey soo dhaweynta aan kala hadhka lahayn ee ay madaxweynaha ku qaabileen, waxana ay hoosta ka xariiqeen in soo dhaweyntaasi farriin u tahay sida shacabku ugu qanacsan yahay hoggaaminta dawladda uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

47218730_1921733747940469_7845190694552469504_n

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna ugu horrayn shacabka ku dhaqan degmada Sheekh uga mahadceliyeyey sida sharafta iyo karaamada leh ee ay usoo dhaweeyeen isaga iyo weftiga uu hoggaaminayo, isaga oo shaaciyey in soo dhaweyntaasi tahay calaamad waddaniyadeed iyo midnimo.

47165640_1921733691273808_6801042767179939840_n

46507776_1921731294607381_2244264972169248768_n

47073662_1921731224607388_5897205923809591296_n

47238438_1921730964607414_369116391430684672_n

47069109_1921731107940733_8440923510573891584_n

47211445_1921730434607467_4879369279624970240_n

Please follow and like us: