War Deg Deg Ah: Madaxweynihii Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Oo Is Casilay

Baydhabo (Salaanmedia.com)_ Madaxweynihii maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa iska casilay xilka madaxweynenimo sidoo kale waxa uu ka tanaasulay tartanka Doorashada.

BBD0BCBD-3370-41ED-BBC2-7E5A867511F0-150x150

Waxa uu ku eedeeyay dawladda dhexe ee Soomaaliya in ay cadaadis saartay. Shariif, ayaa xubin ka ahaa midowga dawlad goboleedyada Soomaaliya oo dawladda dhexe si weyn uga soo horjeeday. Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas ayaa xilka sii hayn doona iyadoo la filaayo in Madaxweyne cusubna la soo doorto.