Wasiirka Maaliyada Oo Qaadey Talaabo Uu Ku Curyaaminaayo Kastamo Ay Ka Mid Yahiin Saylac Iyo Baligubadle

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Wasiirka horumarinta maaliyada somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa cashuuro dheeraad ah ku soo rogay shiidaalada soo mara kastam aan ka Berbera ahayn.

maaliyada-678x509

wasiirka maaliyada ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku shaaciyey in qiimaha shidaalka aan soo marin kastamka magaalada Berbera lagu kordhiyey lacag gaadhaysa $76.

Ujeedada ka dambaysa talaabada uu wasiirka maaliyadu qaaday ayaa la xidhiidha sidii uu u curyaamin lahaa kastamo gaar ah oo la doonayo inay soo xidhmaan, kuwaas oo ay ku jiraan kastamka magaalada Balli-gubadle ee xarunta gobolka Hawd oo uu soo maro shiidaalka ka yimaada wadanka Itoobiya iyo shiidaalka ka yimaada dalka Djibouti oo soo mara magaalada Saylac ee xarunta gobolka Selel.

talaabada wasiirka horu marinta maaliyada ayaa ku soo beegmaysa wakhti ay fashilmeen isku dayo hore oo uu doonayey inuu ku xidho kastamka magaalada Balli-gubadle ee xarunta gobolka Hawd, kaas oo caqabado badan la kulmay mudadii ay jirtay xukuumada madaxweyne Muuse Biixi.

Halkan Hoose Ka Akhriso Wargeetada Wasiirka

w1