Bulshooy Ninka Kuu Boqrani Waa Xila-Bilaal ( Abdi-shotaly)!…Dec 04.18

Bulshooy Ninka Kuu Boqrani Waa Xila-Bilaal ( Abdi-shotaly)!maqaal3-150x150
 
“Gab-gablaa ba’ay Garaad laawa ah“, waa murti soo jireen ah, oo qeexaysa qof ay talladu ka qasan tahay, oo kolba meel isku qaadaaya, garanayn meel uu wax ka qabto, oo ku waashay bal halkan ku day, in ay kuu suuro gasho, jacbur uu tirin jirey illaah ha u naxariisto’e Cabdillaahi dhoodaan, baa waxa ka mid ahaa ” Sidda habar baraar raacday oo laydhka qabad-siisay, Warwaree-gayeey xaafadaa waan ka baqayaaye” ilayn meel ay wax u wado garan mayso’e, waa in ay kolba dhinac u rartaa, oo ay is tidhaahaa malaha halkan baa geedo leh, markay ku hungoodo, bay hadana meel ka sii daran , wax ay kala kulmi doonto-na aanay ogayn, qiyaasi karina, bay misana u xamaamo gurataa. sidaas buu wakhtigu kaga halaabaa ilayn waa ma garato’e, waxay-na aakhirka aragtaa iyadda oo gabal u dhacay, baraarkii la raaci-yeyna aanay waxba daaqin, bay dib ugu soo noqotaa halkii ay saaka ka bilawday, waxa cayn-kaas ka dhigan oo hadba meel isku qaadaaya, Askariga boobka loogu cumaaday Somaliland, oo aan u aqaano “Raggii Ma Adigaa Ka hadhay”  cuqdad-na in gaaroo reer Somaliland ah ka qaba, kuna sifoobay, odhaahddii ahayd ” Waalwaa-lataye xeradda gal ” mana hayo taladdii uu wax ku daweyn lahaa, taas oo maalin-ba-maalinta ka dambaysa uu cudur sii abuurayo iyo wareer hor leh, iyo waali tii hore ka tidhi wax-ba ma tihid, ee aniga I eeg, wax uga qabsooma-yaana aanay jirin, ee farsamo xumaan iyo nin-keed dila dheh.
 
in xaalku uu ku Jiro markii ay Somaliland ugu kharib-nayd, oo ay gacanta ku hayso maafiyaddii Jarmalka, ee la odhan jirey Baadar-min-hoof ( Bader Minhoff) mid ka sii xuni, baan idiin sawirayaaye, maan-kaaga oo dhan ku akhiri, adiga oo Somalilander ah, laakiin aan ahayn reer hebel, waa hadaad daacad u tahay dad-kaaga iyo dal-kaaga, oo aanad meel iskaga baydh ahayn. waxa uu muwaadin arimuhu sare u dhaafeen, oo aan aduun-yadda meel ay soo mareen kuwani oo kale, aan war iyo wacaal mid-na lagu sheegin, soo jireena arag, wax maqalay-na sheeko iyo shaahid la haynin, waxa siwanaagsan kuugu fasilaaya, sumad weyna kuugu dhigaaya, xaal maanta iyo waxa dal-keenii haysta, Maansaddii uu tiriyey Maxamed Xaashi Dhamac (IHN) waa Abwaan gaariye’e, taas oo ahayd sidda tan ” Bi’i-waa warlaay, anigu basraay, berigaan yaraa waan boodi jirey, waan badhi-cadaa ( Waa Somalilande) ninka kuu boqrani, Waa xile-bilaal, waa bukaan I helay, anigoo bed qaba, bartaad taal hadeer, baradaasi baas, waa halkaan ku bax’ay ( waa qabyaalada’e), waxay eeday buu, barko kugu yidhaa, waa buuryo gooys, boqnaa kaa mudoo, bawd-yaha ku jarey, Laas biir ahoo, an haraadka bi’in, looma bahalo cuno, xagee loo baaxaa. belo baa giglehe. adigaa is baday baabbba’aa tahee, dib u soo bilbilo, bustihii duliga, beerka kaa huwane, bi’-waaye tuur.
 
 Waxa la yidhi, ” Ilayn ibitiladu ilays malahoo, markay imanayso lama oga“, haddii malaha dadka hore loo sii war gelin lahaa, oo la odhan lahaa waxaas baa imanaaya, ka dibna iyaka oo sugaaya mush-kiladdii loo sii sheegay ay timaado, kuma ay noqoteen kedis iyo la yaab, cirka soo dhac ama wax aan la filanay-nini. kuli isku soo duuboo, qofku marka uu is madax marsan yahay, wax qari iyo boob mooyee, aanu maskax iyo talo mid-na meesha ku haynin, yahay kuwiiqu’raanku sheegay ee uu yidhi waxa jira dar indho la’, dhego la’, qalbi la oo aan acqli lahayn haba yaraatee” hadaba kuwaas rabbi inoo sheegay, waa kuwa Somaliland madaxeeddii mijo u celiyey, ee aduunkii irid kaste ka soo xidhay, ilayn uma jeedaane, oo waxay ku mashquuleen reer hebel iska eega’e, waxa xikmad somaaliyeed ay ahayd, gabadhu inta ay gude gabadh kale ku mash-quulsan tahay, baa keedu qudhmaaye, xataa gudihii baa isku daatay, oo ku dambeeyey, daad xaabo sita, oo la ooyaaya darxumadda u dambaysay, waxan ku soo xidhay qoraalkan, sheekaddii ahayd “Maan bilaal iyo maan bare maxaa kala haysta hawl” taas oo ahayd, nin reer geela u raaci jirey, baa maalin ayaamaha ka mid ah, u soo fadhiistay, gabadh uu dhalay ninka geela iska lihi uu raaco, ka bacdi wuu la yaabay ninkii inanta dhalay, wuxu u qaadan waayey, halka ay kala joogaan , sababta oo ah, wuxu u haystaa dhobi xoolaha u raaca, iyo adoon uu iska leeyahay, oo aan inan-tiisa geyin, kana waa kaa u soo gogol dhigtay, ee yidhi maxaad ka hadlaysaa, waan shaqaysa-naayaye, ee yaa u gar qaadi doono, sheeka-dani waa ta ka taagan Somaliland hadda, ee qod kastaw sidaad doonayso u qaado.
 
* N.B Maan Bilaal Iyo Maan Bare Maxaa kaka haysta Hawl.
QORE:- Abdi-Shotaly.