DAAWO: BURBURKA KA MUUQDA BIRIIJYADA UDHAXEEYA BURCO IYO BERBERA + MOOGANAANTA WASAARADA KU SHAQADA LEH.

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Biriijyada udhaxeeya magaalooyinka Burco iyo Berbera ayaa ay soo gaadheen dhaawacyo kal duwan oon la garanayn waxa sababay.
Maahana markii ugu horaysay ee biriijyadan ay soo gaadhaan dhaawacyadan oo kale, Sanadkan aynu ku jirno ayaa dib loo hagaajiyay labada biriij ee kala ah KALAJAB oo Berbera u jira wax ka yar 25km iyo biriijka DUBUR oo Degmada Sheekh u Jira wax ka yar 10km, dabayaqadii sanadkii 2017 kiina waxaa Dib Loo hagajiyay dhaawacyo Loo gaystay Biriijyada Xayramadle oo Kasoo Hooseeya Tuulada Hundusa iyo biriijka u Dhoow Tuulada Geelookor.
Hadaba waxaa la Iswaydiinayaa waxa sababay dhaawaca ka muuqda Biriijyadan?
Dad Ku dhaqan Tuulooyinka Dubur, Hundusa, Geelookor iyo Tuulo Barwaaqo oo

aanu wax ka waydiinay arintan ayaa si yaabo kala duwan uga warbixiyay dhibaatadan soo noq noqatay ee loo gaysanayo biriijyada, waxaanay u sheegeen Hadhwanaagnews in loo baahan yahay in ilaalo loo sameeyo habeenkii, waayo ayay yidhaahdeen inta badan dhibaatadani waxay dhacadaa habeenkii oo socodka baabuurtu yaraado.
Burburka biriijyadan ka muuqda ayaa halis badan ku haya baabuurta wadadaa mara sababtoo ah gawaadhidu intooda badan xawli ayay ku socdaan waanay ku adag tahay in ay ka war qabaan dhaawaca ku yaala biriijyada, Dhibatada kale ee jirta waxa weeyi ma jirto cid iska xil saarta oo calaamad dhigtaa si loo garto in biriijkaasi go’an yahay ama dhaawac gaadhay, xataa wasaaarada shaqadaa leh iyo maamulka gobolka saaxilba war uma hayaan khatarta ka dhalan karta calaamad la’aanta biriijyada dhaawacu gaadhay.
Dabcana lagama maarmayo in hay’adaha dawladu iska kaashadaan dabogalka waxyaabaha sababaya dhaawacan ku dhacaya biriijyada.