Deg Deg :- Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Oo Ka Guuray Villa Somalia Iyo Xaaladii Mooshinka Oo Cirka Isku Sii Shareertay

Muqdisho (Salaanmedia.com)_ Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa ka guuray xafiiskiisa xarunta Villa Uganda oo ku dhexyaala Villa Soomaaliya, halkaasi oo maalmahaan uu ku sugnaa.

66269686-678x509

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya inuu u guuray mid kamid ah Hoteelada ku dhow garoonka diyaaradaha, gaar ahaan Hotel ku dhow Xarunta hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP.

Wasiirkii hore ee amniga ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka C/risaaq Cumar Maxamuud ayaa kusoo qoray Barta uu ku leeyahay Twitter-ka in guddoomiyaha baarlamaanka uu ka guurey Villa Hargeysa.

Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxay ku adkaatay xildhibaanada ay ugu tagaan guddoomiyaha baarlamaanka, waana tan keen karta inuu ka guuro xafiiskaasi si uu fursad ugu helo la kulanka xildhibaanada mooshinka Gudbiyay.