Diyaaradda Kenya Airways Oo Maanta Duulimaad Ka Bilaabeysa Muqdisho

Muqdisho (Salaanmedia.com)_ Diyaaradda Kenya Airways ayaa shaaca ka qaaday inay maanta duulimaad toos ah ka bilaabi doono garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaddib markii labo jeer oo hore dib u dhac ku timid.

Duulimaadkan ayaa noqon doona Muqdisho iyo Nairobi, waxaana qorshuhu yahay in maanta gelinka dambe uu si rasmi u bilowdo.

Bishii November oo lagu waday in Kenya Airways duulimaad ka bilowdo Muqdisho ayaa dib u dhac ku yimid.

Maamulka Shirkadda ayaa sheegay inay sameyn doonaan duulimaad maalin ah, iyadoo diyaarada Muqdisho soo caga dhigan doonto 1:45 duhurnimo, kana dhoofi doonto 3:50 galabnimo, iyadoo ka degi doonto garoonka diyaaradaha Nairobi 5:35.

Waa diyaaraddii labaad oo dalalka deriska ah oo duulimaad ka bilowdo Muqdisho, bishii November diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa duulimaas toos ah Muqdisho iyo Addis Ababa bilowday.