Faysal Cali Waraabe Oo Si Faduuli Ka Muuqato U Tageeray Muushinka Ka Dhanka Ah Madaxweynaha Dalkaasi Soomaliya Ee Farmaajo

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee ucid Eg Faysal cali Xuseen ayaa taageeray mooshin ay qaar ka mid ah xildhibaanadda baarlamaanka somaliya ay ka gudbiyeen madaxwaynaha somaliya oo ay ku edeeyay inuu jabiyo sharciyadii dalkiisa.

BCD477D0-0826-4E19-B933-3FC52E3510AA

Faysal ayaa sheegay in loo baahan yahay in xildhibaanadda mooshinka soo gudbiyay ay ku Adkaystaan mooshinkooda si ay u badalaan madaxwaynaha somaliya oo ku edeeyay inuu ka soo horjeedo horumarka Somaliland.
“Xildhibaanadda waxaanu leenahay hala taageero mooshinkaas oo qof wanaagsan oo labadaas sano ee u hadhsan gaadhsiiya dimuq-raadiyadda haloo diyar garoobo,aniguna hadaan faysal cali waraabe ahay xidhiidho badan ayaan ku leeyahay oo dibadda ka joogi maayee waan la shaqaynayaa
in ay cid wanaagsani timaado oo Somaliland si walaalnimo ah lagu kala baxo oo aynu noqon saddex dal oo walaalo ah jabuuti,Somaliland iyo somaliya oo waliba xidhiidh wanaagsan aynu yeelano inaga oo wadda galayna qaramadda midoobay iyo waliba igad.Sidaas ayaa uu yidhi isaga oo la hadlayay eryal tv
Intaas waxa uu ku daray faysal cali waraabe isaga oo hadalkiisa ayaa yidhi.”Waxaanan doonayaa qofka leh Somaliland oo xor ah dhibaato ayay Somali u leedahay aniga hay taabsiiyo,waxaanan markaas leenahay mooshinku ha socdo dimuq-raadiyadu ha socoto,dastuurkuna ha socdo waanan hambalyaynaynaa dadka keenayna mooshinka.
Faysal cali waraabe ayaa sheegay in madaxwaynaha somaliya maxamed cabdilaahi farmaajo uu isirka Somali oo dhan uu ku yahay khatar.”Ficilkan madaxwaynaha somaliya samaynayaa isirka Somali oo dhan ayuu khatar ku yahay,waana ninka yidhi maanta itoobiya iyo waliba Eritariya ayaa xidhiidh la samaysanayaa Somali oo kala daadsan,waxaana uu doonayaa inuu baabiiyo dawlada goboleedyadda somaliya.
Faysal cali waraabe ayaa sheegay in madaxwaynaha somaliya uu markasta doonayay inuu somaliland Macaamilka ay Dunida la leedahay uu ka soo xidho,waxaana uu sheegay in taasi ay u suurtoobi wayday