Goomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Eheladii Ka Tacsi Yadeeyay Goolhayihii Kubadda Cagta Somaliland Oo Shil Gaadhi Ku Dhintay.

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa eheladii Ka Tacsi yadeeyay geerida Ciyaartoygii aha aha Goolhayaha xulka Qaranka Somaliland oo shil gaadhi Hargaysa ku geeriyooday. Dhanbaalka Tacsi da Guddoomiye Cirro oo uu soo gaadhsiiyay shabakada wararka ee Somalilandtoday ayaa u dhignayd sidan

TACSI GUDDOMIYE :
ﺇﻧﺎ ﻟﻠﺔ ﻭ ﺇﻧﺎﺇﻟﻴﺔ ﺭﺍﺟﻌﻮﻥ
Guddoomiya xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI
Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, ka guddida fullinta, ka garabadda dhallinyarada, haweenka, laamaha dibadda iyo taageerayaasha xisbiga ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisa-ba;
Waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guddomiyaha gobolka Sanaag ee xisbiga WADDANI mudane Maxamed Jaamac Daadey oo geeri naxdin-lihi kaga timid shil gaadhi oo maanta ka haleelay inankisii marxuum Cabdirisaaq Maxamed Jaamac Daadey Alle ha u naxariistee.
Dr Cirro waxa uu Alle uga baryayaa marxuumka in uu Ilaahay godka u nuuriyo sida oo kalena uu ka waraabiyo naxariistiisii jannatul fardowsa. Ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxayna samir iyo iiman saadaq ahna ka siiyo. Aamiin aamiin.
INNAA-LILLAAHI WA-INNA ILEYHI RAAJICUUN.
Waaxda warfaafinta xisbiga WADDANI.
Hargeysa-Somaliland