Kulmiye Malaha Waaba Siyaasadiisa Waayo Muddo Kordhinta Ehel Buu U Yahay, Ceebna Uma Yaqaano….” Siyaasi Cali Guray.

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Siyaasi Cali Maxamed yuusuf Cali Guray ayaa Ka dareen celiyay hadalo kasoo yeedhay gudoomiye kuxigeenka kowaad ee golaha wakiilada kaasi oo uu ku tilmaamay in doorashu ay tahay sharci balse xildhibaanku uu ka dhigay in dalka oo doorasho ka dhacdaa somaliland aqoonsi u horseedayso.

Sidoo kale Cali Guray ayaa mudo kordhinta ku sheegay in ay xisbiga kulmiye caadadood noqotay uu u yaqaano wax lagu faano. Balse aanay ceebtii ahayn.

Siyaasi Cali Guray ayaa qoraal kooban oo uu arimaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna dhignaa Sidan;

KK Yaa ictiraafba ka hadlaya dawladnimo ayaa laga hadlayaa iyo ku dhaqanka sharciga oo dastuurku kow ka yahaye. Kursi loo doortay shan sanadood in 15 sanadood ku fadhiyo xildhibaanku haduu qurux u arko dantiisa gaarka ah ee shakhsiga ah wax ka badan kamuu talinin, waana sida xildhibaanadu u badan yihiin. Kulmiyena malaha waaba siyaasadiisa waayo muddo kordhinta ehel buu u yahay ceebna uma yaqaano Kulmiye ee wax lagu faano iyo xarago ayaabay ka dhigtaan II KORDHI AAN KUU KORDHIYO EH.

Waayo tani 2010kii dadanaj iyagaa hogaaminayay inta muddo kordhmo dhacayna waynu ognahay. Mudadaa wixii wanaagsanaaday guusheeda iyaga ayaa leh wixii xumaadayna iyagaa leh. Sharafta iyo quruxda iyo karaamada dawladnimadu kuma jirto kii la doortaa marka muddo-xileedkiisu dhamaado inu kursiga isku sii dhejiyo oo iskaga fadhiyo uun ee waxay ku jirtaa qofka xil loo doortaa marka muddo xileedkiisu dhamaado inu kursiga baneeyo hadii sharcigu u ogol yahay uu doonayana mar kale u soo tartamo oo hadii uu ku guulaysto intii uu fadjiyay in le’eg hadana ku sii fadhiyo iyadoo xalaal ah oo sharci ah.

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY),