Madaxweynaha Somaliland Oo Magaalada Wajaale Maanta Kula Kulmay Madaxweynaha Deeganka Soomalida Itoobiya

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu maanta safar ugu baxay magaalada Wajaale ee xuduuda u dhaxeysa Somaliland iyo Dalka Itoobiya

Madaxweyne Biixi ayaa magaalada Wajaale waxaa uu goor dhaweyd kula kulmay o madaxweynaha degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar oo isna safar kaga soo kicitimay caasimada deegankiisa ee Jig jiga

Madaxweyne Biixi ayaa dhinaca Somaliland kusoo dhaweeyay Mustafe Cagjar halkaasi oo ay labada madaxweyne kulan ku wada yeelan doonaan.

Waxaa xusid mudan in Madaxweyneyaashii hore ee Somaliland ayaa Addis Ababa kula kulmi jiray madaxda dawladda faderaalka Itoobiya, hase ahaatee kulankani waxa uu noqonayaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee dhex-mara madaxweyneyaasha Somaliland iyo madaxweyne ka tirsan deeganka Soomaalida Itoobiya