Murashaxii Xukuumadda Farmaajo Wadatay Oo Ku Guulaysatay Doorashadii Koonfur Galbeed

Baydhabo (Salaanmedia.com)_ Doorashada madaxweynaha Koofurgalbeed Soomaaliya ayaa waxaa cod aqlabiyad leh ugu guuleystey Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen kadib markii uu helay codad gaaraya 101 cod. Murashaxan oo ah shakhsigii Ugu dhawaa Madaxweynaha Dalkaasi Soomaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

147 xildhibaan ayaa codadkooda dhiibatay doorashada Madaxweynaha Koofurgalbeed waxaana ku tartamay shan musharax oo kala ahaa Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen,Aadan Maxamed Nuur Saransoor, Xuseen Cismaan Xuseen, Ibraahim Macalin Nuunow iyo Seyid Axmed Sheekh Daahir.
Hadal kooban oo uu jeediyay Cabdicasiis Laftagareen ayuu ku tilmaamay maanta inay tahay maalin weyn oo taariiqi ah isagoo u mahadceliyay dhammaan xildhibaanada baarlamaanka Koofurgalbeed.
Cabdicasiis Laftagareen ayaa loo dhaariyay madaxweynaha Dowlad goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya afarta sano ee soo socota.