Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Qarax Gaadhi Oo Goor Dhowayd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Salaanmedia.com)_ Qarax ayaa goor-dhawayd ka dhacay agagaarka Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa gaadhi yar oo lagu xidhay waxyaabaha qarxa.

gaari-qarax

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ku dhintay darawalkii waday gaariga, waxaa la sheegayaa inuu ahaa Agaasime Waaxeed ka tirsan Wasaaradda Boostada.
Inta badan qaraxyada lagu xidho gaadiidka yar ayaa ka mid noqday bartilmaameedyo lagu dilo saraakiisha ciidamada, mas’uuliyiinta iyo dadka kale.
Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle iyo darawalkiisa lagu dilay qarax loogu xiray gaariga ay la socdeen.

Please follow and like us: