Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Shirkadda Caymiska ee TAKAFUL oo wacdaro ka muujisay furintaanka Carwada 8aad ee Somaliland iyo adeegyada ay qabtaan

Hargeysa (SM)- Shirkadda TAKAFUL oo ah shirkadda ug horeysay ee dalka ka fulisa adeegga Caymiska kala duwan, ayaa maanta si weyn uga qayb-qaadatay isla markaana wacdar0 ka muujisay furitaanka Carwada 8aad ee Somaliland  oo sannadkiiba hal mar lagu qabto dalka.

Shirkadda Takaful Insurance of Africa, waxay ka shaqaysaa Adeegyada caymiska ee Bariga iyo badhmaha Qaarada Afrika. Waxa ay bixisaa adeegyada caymiska oo dhan, sida Caafimaadka, gaadiidka, guryaha iyo Socdaalka Badaha, kuwaasoo ku shaqeeya Nidaamka Islamic Insurance ama Caymiska Islaamiga ah.

Haddaba, Shirkadda TAKAFUL waxa ay maanta soo bandhigtay Adeegyada kala duwan ee ay bulshada u qabtaan, waxaana halkaas faahfaahin kaga bixiyey adeegyadooda maamulka Shirkadda oo saxaafadda la hadlay.

FAAHFAAHINTA WARKAN OO DHAMMEYSTIRAN KA DAAWO KAGANA BOGO WARKAN HOOSE

 

 

Please follow and like us: