Ururka Suxufiyiinta Somaliland Oo War Ka Soo Saarey Shir Weyne Ay Xukuumadu Iskugu Yeedhay Warbaahinta

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu Iftiiminayaa inaanu ka qayb galayn shirka Qaran ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ku dhawaaqday inay u qabanayso Warbaahinta Somaliland 29-30-ka bishan December oo ku beegan Sabtida iyo Axada toddobaadkan soo socda.

Ururka SOLJA, isagoo metelaya Saxaafadda Somaliland waxa uu u arkaa shirkaasi inaanu ka turjumayn ujeeddada ay wasaaraddu ugu magac dartay maadaama sida ka muuqata Jadwalka shirkaasi uu yahay uun mid wasaaraddu ugu yeedhinayso ka soo qayb galayaasha wax ay soo qorshaysay ee aan fursad loo siinaynin Daneeyayaasha Saxaafadda inay aragtidooda ka dhiibtaan shirka.

Ururka SOLJA, waxa uu arkaa inaanu shirkani xal keenayn inta Wasiirka Wasaaradda Warfaafintu ku dirqiyayo inay yeelaan saxaafadda Somaliland waxa uu doonayo ee aanu tixgalinayn xuquuqda Dastuuriga ah.

Ururka SOLJA waxa uu soo jeedinayaa shirkan inay ka horeeyaan Qorshayaal farabadan oo kaga maqan saxaafadda dhinaca Xukuumadda, kuwaas oo u baahan inay Xukuumaddu fuliso.

Sidaas daraadeed; Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu usoo jeedinayaa Madaxweynaha Qaranka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in uu wax ka qabto Cabashada iyo duruufaha Saxaafadda Somaliland haysta ee aanay Wasaaradda Warfaafintu waxba ka qaban karayn.

Maxamuud Cabdi Jaamac

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA)