Warqad Ka Timid Madaxweyne Muuse Biixi Oo Maanta Lagu War Galiyey Xildhibaanada Golaha Wakiilada + [ Maxaa Ku Qoran Warqada ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Fadhigii maanta ee golaha wakiiladda Somaliland oo uu Shirguddoominayay guddoomiye Baashe Maxamed Faarax ayaa golaha waxa uu ku war galiyay in dhamaan laga saaro warbaahinta iyo xoghaynta golaha taasi oo uu sheegay in golahoodu ay galayaan shir albaabadu u xidhan yihiin.

shir-1-326x245

Kulan oon loo ogolaan saxaafadda iyo xoghaynta golaha wakiiladda ayaa guddoonmiye baashe mudanayaasha ku war-galiyay inuu madaxwaynahu u soo gudbiyay war qad uu kaga hadlayo in golaha iyo madaxwaynahu ay ku balamaan kulan qado sharaf ah.

Guddoomiye Baashe ayaa mudanayaasha u sheegay in kulankaasi uu dhici doono maalinta sabtida ah isla markaasina xildhibaan kasta oo ka tirsan golaha wakiiladda looga baahan yahay inuu kulankaasi iska soo xaadiriyo madaama oo lagaga hadli doono arin Ku saabsan hawlahooda shaqo.

Xildibaano ka tirsan golaha wakiiladda oo fadhigaasina goob joog u ahaa ayaa Ilaysnews.com u sheegay in maalinta sabtida ah ee bilawga toddobaadka dambe lagu sheegay in kulanku dhici doono,waxaana ay mudanayaashu shegeen in loo badaniyo sidii madaxwaynahu ugala hadli lahaa mudo kordhinta loo samaynayo golaha wakiilada madaama oo doorashadii dibu u dhac ku yimid.

Madaxwaynaha ayaa doonaya inuu xildhibaanadda ku qanciyo in loo sameeyo mudo kordhin kooban si looga baaqsado in doorashadda golaha wakiiladu markale dib u dhac ku yimaado.