Xukuumadda Muuse Biixi Maxay Ilaa Hadda Ciyaaraha Ka Qabatay?

1

Xukuumadda talada dalka haysa ee uu Madaxweynaha ka yahay Muuse Biixi Cabdi, oo muddo sannad ku hadhaw talada dalka haysa, ilaa hadda maxay Ciyaarihii dalka ka qabatay, horumar ma gaadhsiisay, mise wey uga sii dartay?

Inkasta oo Somaliland aan wali aqoonsi caalamiya la siinin, cid ka caawisa ciyaaruhuna aanu jirin, haddana waxa la odhan karaa marka ay noqoto dhinaca Ciyaaraha Somaliland iyada ayaa iskeed isku soo waday, oo iskeed u qabsanaysay Tartamada kala duwan ee la soo qabtay ha noqoto Tartamada caadiga ah ama ha noqoto Tartamada Koobka Gobolada.

Haddaba haddii aynu qaadano tartamada kala duwan ee Xukuumadda Muuse Biixi intii ay taladda dalka haysay la qabtay ayaa waxaa ugu muhiimsan tartankii ugu balaadhanaa ee Somaliland la qabto taariikh