Beesha Caalamku Siday U Aragtaa In Laba Xisbi Oo Kaliya Ay Galaan Doorashooyinka Soo Socda Ee S/land , Waddani-na Ka Hadho ?

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Warar diblomaasiyadeed oo uu wargeyska Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay inay dalalka beesha caalamka ee taageera nidaamka diqmuraadiyadeed ee Somaliland ay indhaha ku hayaan khilaafaadka u dhexeeya xisbiyada siyaasadda ee ku salaysan doorashada golaha wakiilada.

Wararku waxay xaqiijiyeen inaanay dalalka beesha caalamka ee uu fadhigoodu yahay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya soo dhawayn inay labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID, galaan doorasho aanu qayb ka ahayn xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Sida ay sheegeen wararkan uu Geeska Afrika helay dalalkani waxa ay u xilsaareen isu soo dhawaynta xisbiyada siyaasadda ee Somaliland labada safiir ee Maraykanka iyo Sweden oo xidhiidho kala duwan la soo sameeyay dhinacyada uu muranka siyaasiga ahi ka dhexeeyo., kuna guubaabiyay inay khilaafaadka taagan ka gaadhaan isfaham.

Dalalkan ayaa aaminsan inay muhiim tahay inay isu soo dhawaadaan saddexda xisbi islamarkaana sameeyaan tanaasul siyaasadeed sidii looga bartay Somaliland. Waxa ay Wadamadani aaminsanyihiin in Somaliland galayso xaalad adag haddii aanay saddexda xisbi wada jir uga qayb gelin doorashada golaha wakiilada oo qorshaysnayd inay qabsoonto March 2019 balse uu dib u dhac ku yimid, welina aan la isla qaadin wakhtigii ay qabsoomi lahayd.

Dadka sharciga aqoonta u leh ayaa sheegay inaanu jirin sharci diidaya inay laba xisbi ka qayb gali karaan doorashooyinka haddii uu mid ka mid ah saddexda xisbi qaran ka baaqdo doorashooyinka

Source:- Geeska