Cadawga koowaad ee Somaliland maaha Puntland & Somaliweyn ee waa……By Amb.Safiina 21st Jan, 2019

_TAXANAHA_CADAWGA_SOMALILAND
Qormadii 2AAD

Cadawga koowaad ee Somaliland maaha Puntland ee waa QABYAALADA, Cadwaga koowaad ee Somaliland maaha Somaliwayn ee waa JAHLIGA, Cadawga koowaad ee Somaliland maaha Muqdisho ee waa MUSUQ MAASUQA.

Markaan u fiirsaday qaar kamida dhalinyarada iyo siyaasiyiinta dalka waxa ku yar wadaniyada iyo jacaylka dalkooda waxayna u qaybsan yihiin sadan :-

1- XIL KU MUWAADIN.
2- QABIIL KU MUWAADIN.
3- XISBI KU MUWAADIN.
4- DHAQAALE KU MUWAADIN.

1- XIL KU MUWAADIN, Intuu xilka hayo waa muwaadin dadaalaya oo difaacaya kursigiisa iyo danaha dalka, malinta xilka laga qaado Afxumada iyo cayda dalka wuxuu kasii bilaabaa xaflada xil wareejinta.

2- QABIIL KU MUWAADIN, waa muwaadin wacan oo naftiisa iyo maalkiisa dalka u hura waa intuu adeer kii xilka hayo, maalinta adeer kii laga tuurana kiiba maaha shidanaaba shidan.

3- XISBI KU MUWAADIN intuu xisbigiisu tartanka ku jiro maalin walba wuxuu amaanaa dalka iyo xisbigiisa wuxuu dhaleeceeyaa xisbiyada kale wadaniyadana wuu kasaaraa, haduu xisbigiisu ku guulaysto tartanka doorashada dalka, Somaliland agtiisa waa ka muqadas, haduu xisbigiisu waayo somaliland agtiisa futo ay way ka qadh-muun tahay.

4- DHAQAALE KU MUWAADIN, malinta Lancarusar loo gado ama shilimaad laaluush ah loo dhiibo beeshiisa rag iyo dumar wuu soo xaadirinayaa, haduu waayo ama laaluuska laga jaro, shirka jaraaid, dhaleecaynta dalka, iyo goosasho dagdag ah waa la diyaar.

Dhamaan tood jiritaanka iyo isku duub naanta Somaliland waa u cadaw ismana oga, ilaahay mahadii Afartaa cudur dumaraku way ka caafimaad qabaan ama way ku yar yihiin.

Nin waloow bal naftaada xisaabi, saaxiiba daana waydii khaanadeed ku jirtaan , Ma adeer ku muwasdin, Ma xil ku muwaadin, Ma xisbi ku muwaadin, Ma dhaqaale ku muwaadin
Alaa Mahd leh.

Amb Ahmed Safiina

Lasoco
TAXANAHA_CADAWGA_SOMALILAND
Qormada 3AAD