Cudur Baa Ku Hoos Ladhan ( Abdi-shotaly).Jan 05.19

Cudur Baa Ku Hoos Ladhan ( Abdi-shotaly).
 
Akhyaareey, waa taas wixii aad maamulka ku sheegay-seen, xoogsiga u dhaqaaqday, ee ay noqotay ” Nin quwaax hela, mid qadhoon hela, ha la qadhaab tago” markii qasnaddii la foora-riyey, baa lagu tashday in dadka cudur lagu beero aan hadhin, oo jiil-ka-jiil la isu tebinaayo, marka cooflihii ugu weynaa iyo askariga  uu ku shaqaystaa ( Geenyo Shaaximan) ay iyaku dhiiga shicibka ka xoogsa-nayaan, maxaad u malaynaysaa kuwa yar-yarna?. Adba maraadda baa tuuri markaad wax ogaatide, hana yaabine tallo baa lagaa rabaa muwaadin, aad wax kaga qabanayso, markaan ku taabsiiyo runta, ee bal horta intan hoos ila akhri. oo fahan biyo dhacayga.
 
Cibaaradda aduun dad-yahaw, gelin-ba waa cayne, catiiq iyo mid liitaa u hadhay, oo maalay cuud-kiiye, waa calaaca-shoo tima leh, in uu caday ku siiyaaye, adigu-ba caqlaad leedahee, carar maxaa dhaama? midh-midh baan idiin hor keenayaa wasiiro ku sheega xaaluf-daaqa ah, ee meesha jooga iyo nooca ay u qadhaaba-nayaan, ee hoo waa tan iyaddii oo aan biyo is-mariniye:-
 
 (1) Wasiirku sheega Gaadiidku, wuxu yidhi waxan bedelayaa Liisanadda baabuurta, bal waa-yahay miyaa loo bahan yahay? wakhtigan oo ay isla ceer-yoontay macaluushu? Maxaa kelifay ee looga baahday? Waa maxay sababta loo tuuraayo noocii hore? waxa weeye aan kuu sheego’e, wax baa lagu cunayaa, oo dhaqaale baa ku baxaaya, taas oo ay rabaan, in ay malaayiin ka fara-qabsadaan, guryo debedda laga dhisto sidda Xaaji Muqsuq ( Maxamuud Xaashi), oo London iyo birmingham ka iibsaday guryo ku dhaw ilaa 4 milyan oo doolar, kii meel loo dhiibaaba wuxu uga soo go’ayaa sidda gafanaha.
(2)  Wasiir Ku sheega Hablo Caaye, isna wuxuu wax ka deyey war-baahinta, oo uu lacag dul socod ah, oo uu iska leeyahay saaray, taas oo qayrul macquul dhaatay buu ku soo rogay, jaraa’idka dalka ka soo baxa, websayt-yadda ( Websites), Tv-yadda madaxa banaan, ee aan ahayn sidakan jeegaanta  ee ay ku magacaabaan Tv-ga Qaranka,, kaas oo siddii Af-la-haartkii Ina bare, been-toodda faafiya, oo uu yidhi isku diiwaan-geliya ( Registration fee), sabab kale-na maaha, ee waa lacagu u dul socod ah isaga ( Hablo caaye weeyee), iyo cabudhinta Saxaafadda.
(3) ASkartan oo iyana bilaabay dhiig miirad, dadka dhakhtarka la dhigo in ay dhiig sumaysan ka iibiyaan, si ay lacag uga urursadaan, una dilaan, oo aan loo helin in dhiig leh ” Aids Iyo HIV” ay ku shubeen askartu, ( Waa Cajiib)). balhadda ila akhri intan yar ee afaray-dda ah, oo dhugo waxay tilmaamayso.
 
Ruuxaan lugo ku joogine, haduu laab la sarae kaco,
Socod liili uu yidhi, laxaad ma isu taagaa?
Miyuu laakidaa orod, intuu laydha isu dhigo?,
Libin miyuu ka gaadhaa, haduu loolan soo galo?
Leg-den laysu soo baxay, la afuufay siidhiga,
La is taabtay muruqiyo, lafta dhabarka ee dheer,
Lis-yarahu muquurtee, indhuu lahasho daayaan,
Lay-liga ninkii ahi, uu ka baydho laamiga,
Isku looho derbi-yadda, iyo laanta geedaha.
Luf-lufkuu dibnaha baray, ku lumuu tabaayoo,
Weliggii ma loxos-dego, laha-shana ma daayoo,
Isagays lugooyoo, ma liibaano abidkii,
Dhiiga layska shubayaa, cudur baa ku hoos ladhan,
Adoo awelba liitaa, tana laguugu sii daray,
Naxariis lagama helo, askar laaca barataye,
Ha is dhigina luxudkee, ka lugeeya goor hore.
 
Hadal halkiisa baa loogu tagaaye, waxan ku soo xdihay qoraalkan, oo aan doonayaa in aan u
sheego, kuwa maamul Goboleedka askartu dhabaqsato u nacamiya, ee derbi-yadda kaga shekeeya iyo meelaha merfesh-yadda ay qaadka ku cunaan, Somaliland baa abdi-shotaly wax yeelayaa, waxan ku odhan lahaa, aniga maaha kaasiye, ka doonaaya in ay wax noqoto,ee u dagaala-maaya, sinaan, cadaalad, wadda jir, meel u wada-jeed, isku hadaf, iyo iyadda oo aan loo kala eexan waa aniga. adigu ka ka soo hor jeedda baad tahay intaa aan siak sheegay, waxad ku nooshahay qabyaalad iyo isku xaafad baanu nahay, dhuuni raac nimo, xil-doonimo aad raadi-naysid hanti boobka shicibka cunaha la qabtay, iskood-ba isakaga tabaalaysan, ee lagu dul xaaraayo, beenaalaah loo adeegsado baad tahay, waxad afka ka leedahay, iyo uur-kaagu way is khilaafsan yihiin, hadana waxad rabtaa in aad noo dabaal-joog-tayso. ugu damabayn, ummad yahay,  habar dugaagan is urursaday, ee ay hor kacayaan cayaa-yaankani  ” Raggii Ma Adigaa Ka hadhay, Iyo Geenyo Shaaximani), ka digtoonaadda, inta aanay caafimaadka idinka maroorjin.
  • N.B Ruuxaan Lugo Ku Joogine, Laxaad maysu Taagaa?
  • Qore:- Abdi-shotaly.