Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Dawlada Ingiriis-ka Oo Ku Biirtey Dalalka Isku Garbinaya Inay Saldhig Militry Ka Sameystaan Somaliland + [Akhriso War Bixin ]

London (Salaanmedia.com)_ UK ayaa ku soo biirtay dalalka isku garbinaya inay saldhig militari ka sameystaan Somaliland, waxaa uga horeeyey dalalka Russia iyo Imaaraadka Carabta.

Arrintan waxaa lagu soo qaaday kulankii Hargeisa todobaadkan ku dhex maray wasiirka gashaandhiga ee UK Gavin Williamson iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Todobaadkii hore, Mr Williamson, oo dalka Kenya kula hadlay ciidamo halkaasi dalkiisa u jooga ayaa sheegay in Brexit-ka kadib ay UK badali-doonto siyaasadeedii 1960-kii ee aheyd inay ka baxdo dalalka dhaca ‘Bariga Suez.’.

Russia ayaa ku dhawaaqay April-tii hore inuu doonayo inuu saldhig badda ah ka sameyso magaalada Saylac, wada hadal dhex maray Moscow iyo Hargeisa waxaa lagu heshiiyey in saldhiggaasi ay fariistaan ilaa 1,500 askari, si ay gacan u siiyaan maraakiibta dagaalka iyo kuwa quusa ee Ruushka, kuwaas oo isticmaala deegaanka bariga iyo geeska Afrika.

Source:- Goob Joog

Please follow and like us: