Deeganka Soomalida Itoobiya Oo Ay Ku Soo Qul Qulayaan Qurbo Joogii Abid Ugu Badnaa

Jigjiga (Salaanmedia.com)_ Tan iyo markii ay isbadalladu ka dhaceen dalka Itoobiya, gaar ahaanna Dowlad Deegaanka Soomalida ee dalkaasi ayaa waxaa dalka ku soo qulqulayay qurba jog badan kuwaas oo markoodii hore dalka ka qaxay.

Inkastoo dadkani ay ka qaxeen xaaladihii ka jiray gudaha, haddana qurba joogta ayaa intooda badan HIIL IYO HOOBA ku kala taageerayay dhinacyada isku hayay siyaasadda dalkaasi, gaar ahaanna xukuumaddii hore ee madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo jabhaddii hubeysneyd ee ONLF.

Dadka qurba joogta ahi ee hadda soo laabtay waxaa ka mid ah Maxamed Dayib Sheekh Xusssen oo ka mid ah ururka Aqooyahanka Deegaanka oo dhawaan laga abaabulay waddanka Ingiriiska.

Waxa uu u warramay weriyaha BBC-da ee Jigjiga Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam.