Deg Deg :- Xisbiyada UCID Iyo Waddani Oo Iminka Galay Xarunta Baarlamaan Somaliland + [ Ujeedkooda ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Labada xisbi mucaarid ee Somaliland UCID iyo WADDANI ayaa galey xarunta baarlamaanka Somaliland taas oo ay wararku sheegayaan in ay u yeedheen gudidii loo xilsaaarey inay soo naaqishaan muda kordhinta loo sameynayo golaha wakiiladda.

Xisbiga Waddani waxa waftiga hogaaminaya gudoomiye xigeenka xisbiga gudoomiyaha ku meel gaadhka ah Cabdilqaadi Jirde, hogaamiyaha xisbiga WADDANI iyo xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid

Xisbiga UCID waxaa hogaaminaya gudomiye ku xigeenka 2 aad xisbiga UCID Md Cabdi-rashiid Xasan Basbaas iyo Xog-hayaha guud ee xisbiga iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan xisbiga UCID