Geesinimadu Waa Lugaha Oo Aad Dhulka Ku Yara Xejiso: Nin Cadaan Ah Oo Warbaahinta KENYA Qaada Dhigayso Weerarkii Al-shabaab Kadib

Nairobi (Salaanmedia.com)_ Warbaahinta Dalka Kenya iyo Kuwa Caalamiga ah ayaa aad u hadal haya Nin Cadaan Ah Oo Bad baadin u sameenayey Muwaadiniinta Dalkaas iyo Dadka kale Ee ku xanibnaa Hoteelka Dusit 2 Ee Shalay la weeraray ilaa Saakana laga dhex dagaalamayo.

Ninkaan Cadaanka ah ayaa bistoolad gacanta kusitay Sawiro laga qaadayna waxa uu muujiyey geesinimo dheeraad ah isagoo dadka Kenyaanka ah ay mahad celin usoo dhigayaan dhambaalo Baraha Bulshada.
Waxa lagu magacaabaa ninkani Inayat Kassam kaas oo sidoo kale la xasuusto Weerarkii Suuqa Westgate Ee Nairobi 2013 ay Al Shabaab ku qaadeen sidaan oo kale dadka ubad baadinayey.
Waxaa da’ahaan lagu sheegay 45 ilaa 60 jir waxaana uu helay taageero badan oo Shicibka Kenyaanka ah islamarkaana ku tilmaameen insaani in lagu daydo mudan.
Mr Inyat waxa uu yahay agaasimaha shirkad lagu magacaabo Scorpio Africa oo Amniga ka shaqeyso fadhigeeduna yahay Magaalada Nairobi,waxa uu dhiigiisa uhuraa xilliyadaan oo kale sidii uu ucaawin lahaa dadka biri magoydada ah ee Goobahaas ku xayirma.
Shan sano kadib ayey dadka soo xasuusteen sida uu Inyat mar kale dhiigiisa iyo dheecaankiisa ku caawiyey Muwaadiniinta Waddanka Kenya.