Golaha Guurtida Oo Saaka Kulan Albaabadu U Xidhan Yihiin La Yeeshay Komishanka Doorashooyinka Iyo Arrimaha La Filayo Inay Ka Wada-hadleen

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Guddiga golaha guurtida Somaliland u xil saareen ka soo tallo-bixinta muddo kordhinta la doonayo in loo sameeyo golleyaasha wakiillada iyo deegaanka ayaa saaka waxa ay la kulmeen guddiga doorashooyinka Somaliland.

Guddiga doorashooyinka ayaa waxa ay saaka subixii hore kulan albaabadu u xidhan yahay la yeesheen golaha guurtida, ma jiro warar faah-faahsan oo ka soo baxay kulan iyo arrimaha lagaga wada hadlay.
Guddigan ayaa waxa ay shalay kulan la yeesheen saddexda xisbi qaran ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE ayaa waxa ay ka wada-hadleen arrimaha muddo kordhinta.
Waxa jira muran ka taagan xubnaha komishanka doorashooyinka Somaliland oo u dhexeeya xisbiyadda KULMIYE UCID oo dhinac ah iyo xisbiga WADDANI dhinac ah iyada oo WADDANI uu doonayo in la kala diro komishanka halka labada xisbi ee kalana ay ku adkaysanayaan in komishankani uu qabto doorashada soo socota.
Cabdicassis Maxamed Samaale ayaa sidan ka sheegay mar shalay wax laga waydiiyay kulan xisbiga KULMIYE la yeeshay Golaha Guurtida waxaana uu yidhi “Anagu waxa aanu qabnaa in Koomishanka Doorashooyinka yahay mid qaran oo lagu ammaanay Doorashadii Madaxtooyadda ee ay qabteen, waajibkoodii ayayna guteen, cid kala diri kartaana ma jirto oo sharci siiyay in ay kala dirto. Sabab lagu kala diraana ma taallo, waxaana aanu qabnaa in Koomishanka Doorashooyinka yahay mid madax bannaan sida loo soo xulo shuruucdeena ayay ku qoran tahay.”
Dhankiisa xisbiga WADDANI kama hadal kulankii ay shalay la yeesheen golaha guurtida Somaliland.