Gudoomiye Ciro Oo Si adag Uga Hadley Muddo Kordhinta Guurtidu Sameysay , Hanjabaad Culus-na Diray + [ Muuqaal ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Gudoomiye Ciro oo maanta dalka dib ugu soo laabtey ayaa waxaa uu ka Hadley muddo kordhinta ay maanta golaha guurtidu sameysay waxaana uu sheegay in xisbiga Wadani diyaar u yahay doorasho , diyaar na u yahay inay doorashadu dhacdo sanadkan 2019 , balse aanu diyaar u aheyn in kominshankan hada jooga uu doorasho danbe u qabto

Gudoomiye Ciro ayaa ku hanjabey hadii baaq yadiisa la iska dhego mariyo in aaney dalka ka dhici doonin doorasho u gaar ah xisbiyada UCID iyo KULMIYE oo xisbiga Waddani na uu dibada ka taagan yahay

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

https://youtube.com/watch?v=FR5xb8QBzc8