Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Guri barwaaqo been muusheegin!!

Waxaa jirta inu qarxiyey arin confidential ah balse uu wasiirku ka hor dhacay, balse ahayd arin laga ilaalinaayo in la ogaado shacabka Somaliland waxoogana uu is yidhi wasiirku credit ku hel bacdama uu wasiirka arimaha debadu yahay ninka soo jeeda bel ka mid ah beelaha darafyada😁

Beryihii ugu danbeyey waxaa dalka ku sii qulqulaayey wufuud Russian ah iyo qaar Ingriis ah, iyadoo ay labaduba doonayaan iney ka sameystaan saldhigyo military Somaliland

Ingiriisku wuxuu dhawaan ka baxayaa Europe, marka uu EU ka baxo waxaa ku adkanaysa in ay cidamada is bahaysiga EU uga masuul uga noqondoonin ingriiska ilaalinta marakibtiisa wuxuu ingriisku ku dadaalayaa sidii uu saldhig military uga samaysan lahaa nawaaxigaas bacdama oo maraykan iyo faransiskuba hore u sii joogen China na ha laftiisu aanu ka maqnay mindiqada.

Somaliland waxay ciyaraysaa kaadhka aqoonsiga in loo xoqo badelkeedana bixiso laba saldhig military oo Ruushka iyo Ingrisku ku yeeshaan Somaliland

Arintan oo ingriska u fududeyn karta isagoo Ingriiska oo raba inu ka dhaadhiciyo International community ga; iney Somaliland tahay wadan ay iyagu xoriyada siiyeen 1960 hadana haboontahay inu isagu siiyo madaxbanaani marlabaad taasna ay ku kala aragti duwananayaan dawlada Federalka Somalia, oo iyadu marnaba ogolanayn dalka Somaliya oo lakala jaro, madaama uu ingriisku ka mid yahay shanta xubnood ee Veto power ka leh waxay ku adkanaysa dawlada Somaliya iney arintaas Ingiriiska kula challenge garoowdo

Su’aasha meesha taala waxa weeye dawladaha waaweyn waa iska shay dabeeciya iney danahooda siyasadeed eegtan regardless, lakiin Somaliland maanta waxaynu aragnaa halka xaaladeedu marayso shicibka Somaliland maanta yahay mid aan isku san banaaneyn oo isku argti ka qabin gooni isu taaga Somaliland inbadanina aanay ku qanacsaneyn sida maanta arimaha Somaliland u socdaan, Somaliland ma noqonaysaa meel noqota wadan muwadaniinteedu wada doonayaan citiraaf ?

Cawaaqib intee legbaa ka imankarta hadii Somaliland la aqoonsado iyadoo aan si qoto dheer looga baraandegin shicibka rabitaankisana aan rayiga wax laga siin ama referendum laga qaadin?

Gebogebadii waxaan qabaa hadii arintaas
In aanay international community gu ku degdegin oo ay rabitaanka shacbka laga turjimo miqyaas dheerna lagu cabiro si aan
Somaliland u noqon another South Sudan!!

Qalinkii. Intisar. Cali. Fidhin

Please follow and like us: