Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Oo Soo Bandhigtay Tiradda Boosaska Shaqo Ee Ka Banaanaaday Wasaaradda Caafimaadka.

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Ayaa Soo Bandhigtay Tiradda Boosaska Shaqo Ee Ka Banaanaaday Wasaaradda Caafimaadka.

qoraal kooban oo kasoo baxay Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Somaliland Sharmarke Axmed Muxumed Geele oo uu nuqul kamid ahi soo gaadhey xafiiska shabakadda Ilaysnews ayaa u dhignaa sidan :=

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ku wareejisay 197- Kaalmo Shaqo oo kasoo baxay xiligii Diiwaangelinta Shaqaalaha Dawladda iyo qorshaynta nidaamka loo qaadanayo Shaqaalaha Cusub oo la bilaabay

-Sidii qorshuhu ahaa, hawl-qabadkii qaran ee tiro-koobka Shaqaalaha Dawladda JSL waxaa qayb ka ahaa diiwaangelinta iyo baadi-doonka 2,681 shaqaale oo horay ugu jiray diiwaanka mushahar bixinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka kuwaas oo u dhigmayey 16% guud ahaan Shaqaalaha Dawladda

-Kormeer iyo baadi-doon kadib waxaa faraq noqday 197-Shaqaale kuwaas oo lasoo waayey xiligii lagu gudo jiray diiwaangelintii Shaqaalaha Dawladda

-Si loo buuxiyo kaalmaha bannaanaday, waxaa la isla qaatay in kaalmahaa lasoo waayey lagu shaqaalaysiiyo shaqaale dhab ah kuwaas oo qaarkood mudo badan waayeen magac bedel balse adeega caafimaadka bixinayey

-Si taas lamid ah, waxaa kormeer gaar ah dhawaan Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku ku soo sameeyey dhammaan xarumaha caafimaadka ee dalka si loo soo ogaado tirada Shaqaalaha caafimaad ee billaa mushahar ku shaqeeya una baahan in Dawladdu ku darto diiwaanka mushahar bixinta qaranka

-Haddaba, xogtaas oo dhammaan imika soo xarootay ayaa dhawaan guddi ka kooban Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku isla eegi doonnaan cabirka saxda ah ee Shaqaalahaasi Caddaalad ku kala heli lahayeen dhexdooda si loo shaqaaleeyo inta ugu; xiliga, xaqa iyo xuquuqda badan Insha Allah.

-Kulankan oo ay qayb ka ahayeen Isu-duweyaasha Caafimaadka ee Goboladda Dalku ayaa dhinacyo badan la iskala eegay hannaanka iyo habka shaqaalaynta ee bahda Cafimaadka si masuul walba oo gobol u helo xogta dhabta ah iyo jidka loo marayo

-Tallaabooyinkan cusub ayaa qayb ka ah jidka Hay’adda Shaqaalaha Dawalddu ku sugayso in Gobolada dalku si siman u helaan fursadaha shaqaalaynta Dawladda sida oo kalena shaqo-sugayaasha xirfadaha gaarka ah sida; Waxbarashada, Caafimaadka iyo Xannaanada Xooluhu dhexdooda Caddaalad u kala heli lahayeen.

Sharmaake Axmed Muxumed Geelle Sharmake Geelle
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL