Ismaan-dhaafka Dhexyaal Maamulka Puntland iyo Somaliland..Jan 19.19

Ismaan-dhaafka Dhexyaal Puntland iyo Somaliland..Jan 19.19

Maalin dhowayd ayaa waxa aan dhegaystay waraysi Idaacadd BBc-du la yeelatay madaxwenaha cusub ee Puntland, – Mr Deni – oo su’aalihii la weydiiyey mid ka mid ahi aan aad ugu dhego-raariciyey. Madaxweynahu Deni isagoo ka fal-celinaya su’aal ahayd in Somaliland sheeganayso xuduudii Ingiriisku dhigay, wuxy yidhi, “ Hadday iyagu noqdeen Ingiriis, hadda annagu Talyaani ma nihin”. Wuxu intaa ku daray, markii Somalia burburtay in reer waliba halkuu joogay maamul iyo nabad ku alkumay.

Weedhaasi waxay dib ii xasuusisay hadal uu 2012kii wasiiirkii warfaafinta ee Puntalnd , Axmed Cali Askar, isagoo la hadlaya Somaliland, uu ku yidhi, “War dhulka intii Ilaahay qayb idiin siiyey ha idin deeqdo”. Askar iyo Deni erayadoodu isku meel bay u dhacayaan. Dhulka waa la kala leeyahy! Ereyadaas kuwo u dhigma, ayaa had iyo goor laga maqlaa afhayeenada Somaliland sida: xadkaa la tegayaa. Waa fekerka dhaliyey dhimashada iyo dhaawaca faraha badan ee dagaaladii deegaanka Tukaraq horaamihii sannadkii 2018ka iyo kuwii ka dhacay Buuhoodle sannadkii 2012.

Ilaa hadda xad la soo taabtayna ma jiro. Xadku fogaa ma mid aan la gaadhin baa! Is-maandhaafka dhexyaal Puntlad iyo Somaliland wuxu salka ku hayaa labada fekradood ee lagu kala asaasay labada maamul: abtirsiinyo raac iyo xuduud isticmaar raac. Somaliland waxa intaas u dheer rabitaankooda gooni-isu-taagga, macnaheedu yahay waanu ka baxnay Jamhuuriyaddii Somaliyeed ee dhalatay 1dii July 1960. Bal aan yar naaqishno fikradahaa kore, ku horayano ta abtirsiin raaca ah.

Sida hadalku u socdaa waa dadka wadaaga abtirsiinta “Harti” meel kasta ay degaanba, laga reebo Ethiopia, waxay hoos imanayaan maamulka Puntland. Ilaa hadda dawaladda Puntland ma sheegto xuduud dhuleed oo cayiman oo la garan karo. Haddii laga tegi waayo, waxay marar ku tiraabaan: waa laguu yaqaan! In adduun-arragga dadku cajiib yahay waxa kaaga markhaati ah: Puntaland, ilaa hadda, maankeeda kuma soo dhicin inay midayso magaalada Gaalkacyo. Sababta ay sidaa u xaawili waayeen waa Koofurta Gaalkacyo isku abtirsiin ma nihin. Taas macanheedu ma aha waa kala dad. Waa dad wiil iyo gabadh iyo walaalo ah. Waa arrin murugo leh in Gaalkacayo khad cagaarani dhexmaro ama labo maamul dawlo ka kala tirsan yihiin.

Waxa dadka reer Gaalkacyo kala qaleeyey waa madaxdii Puntland ee tidhi 1998dii anagu abtirsiin baan ku qotominay dawladnimo. Qofkii aan abtirsiin la wadaagin Puntland in uu ka erdhoobo gar ma u helay? Adaan kuu daayey. Haddii isla fekerkaa lagu dabaqo mid ka mid gobollada Puntland ku taanto, gobolka Sanaag, waxaa khadkaas oo kale uu dhex mari karaa magaalda Ceerigabo.

Waxaa intaa weheliya in aan la garan Karin sida loo kala soocayo deegaanda miyiga ee dadk reer guuraaga ahi deggan yihiin. Taxliil ahaan su’aalo faro badan ayaa la iska isweydiin karaa sida: maamul dawladeed, xuduud la’aan ma jiri karaa? Xudduudo ku salaysan abtirsiin ilaa intee buu suurgal yahay? Maxaa ku jaban in la raaco xuddudadaha taariikhiga ah? Jawaabaha su’aalahaasi ma sahalana, waana mowduuc ka baxsan dulucda warqaddan, laakiin maamul dawladeed xuduud kama maarmo. Ururkii Midowgii Afrika ayaa 1964tii isku raacay in xuduudaha Afrika sidii iscticmaarka Yurub u dhigay loo daayo. Ma aha raali bay ku ahaayeen, waxa se ay garwosadeen in dhibka ka dhalan karaa uu aad iyo aad uga badan yahay manafac laga dheefi karo. Kolkaa ma ka filaysaa in abtirsiin-raac faaido cid u keeno, halka Afrika oo dhami ka baqatay isir-raac (ethnicity).

Marka ay timaado xuduudaha taariikhiga ah, ma aha xuduudii isticmaarku ka tegay oo keliyi, inay tahay mid taariikhi ah. Waxa kale oo xuduudo taariikhi ah noqon kara 8dii gobol ee ka jiray dalka 1960kii ilaa 1972dii. Ogow, sannado tirsan mooyee, isku gobol ma noqon Garoowe iyo Lascaanood; Buuhoodle waxay ku jiri jirtay Burco; Badhan iyo Laasqoray-na Ceerigaabo. Bal aan yar xusno iraadada dadka ku nool degmooyinkaa kor ku taxan. Waxa kuu soo bixi in qudhoodu ku kala feker duwan yihiin mustaqbalka degaankooda ku dambaynayo: qaar u janjeedha Garoowe iyo kuwo Hargeyasa u xagliyaba way leeyihiin. Waxa se ay aqalabiyadoodu ganafka ku dhufteen ama werewer weyn ku haya gooni goosashada Somaliland, cabsi ay ka qabaan aqaliyad ay ku noqdaan Somaliland, kana xadhig furmaan tolkood.

Taas oo loo macnayn karo ma diidana Somaliland ee gooni- is-taagga Somaliland ayaa qalaynaya. Ururka Khaatumo ee uu hogaamiyo Cali Khaliif Gallayr– oo iyagu markii hore qabay inay ka madax banaan yihiin Puntland iyo Somaliland ba, waxaay talo ku deysteen in maamul hoosaad la sameeyo, hoos taga Somaliland; iyadoo aanay ka tanaasulin midnimada Jamhuuriyaddii Soomalida. Cali waxa uu is tusay in fursadda Somaliland aqoonsi caalami ah ku heshaa aad iyo aad u yar tahay; kol ay ahaatana mar uun ku soo noqonayso xayndaabka Jamhuuriyah Somaliyah; sidaa darteed lagu sii nasto Somaliland.

Nuxurka munaaqashadani waxay ku soo arooraysaa maamul abtirsiin ku salaysani waa derbi dab ka holcaayo. Marka aad la deris noqoto maamul doonaya in uu kaa goosto dadkii aydin isku abtirsiinta sheeganayseen waa dabkii holcayey oo bensiin lagu sii shubay. Haddii Somaliland, fekrad ama mabda’ ahaan, si uun, ay ugu soo noqoto xayndaabka Jamhuuriyah Somaliyah, waxa aan qabaa in la demin karo dabkaas; lana baajin karo dhiig, naf iyo barakac dambe oo ka dhex-dhaca Puntland iyo Somaliland. Haddii taa la helo, ma jirto sabab caqli gal ah oo ay Puntald muran iyo colaad ku sii wadaa. Puntland iyo Somaliland waa labo maamul oo ahaa muddo dheer labo nuur oo Somalidu ku soo hirato. Laakiin haddii ay sii socota colaadda ka dhex aloosani waxa looga aayi doonaa waa iftiinkaas ka shidan Garoowe iyo Hargeya oo isla dama. Ilaah baan ka magansanay.

Inta muran iyo colaadi ka dhex aloosan tahay labadan maamul, Somaliland aqoonsi caalami ahi ka dheer, Puntland-na dawladnimo si wacan u shaqaysaa ka dheer. Wadahadalada Xamar iyo Hargeysa ee la filayo inay dhacaan, ma ku soo celin doonaan Somaliland xayndaabka jamhuuriyaddi Soomaliyeed ee dhalatay 1960kii? Haddii jawaabtu haa tahay, waa sida keliya ee Hargeysa Ingiriis kaga baaqanayso, Garoowe-na Talyaani, nabad waartana lagu heli karo (Idan Alle).

Wa Bilahi Towfiiq Maxamuud Cabdillahi Axmed London, UK Maxamuudaxmed@live.com 18/01/2019