Laba Ka Mid Ah Dableydii Weerartay Hudheel Ku Yaalla Magaalada Nairobi Oo La Aqoonsaday

Nairobi (Salaanmedia.com)_ Booliska Kenya ayaa aqoonsaday labo ka mid ah raggii fuliyay weerarkii Talaadadii lagu qaaday dhismaha Hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi, kaddib markii la soo afjaray howlgal qaatay 19 saacadood.

Kaamirooyina qarsoon ee CCTV ayaa soo bandhigay dableyda hubeysan oo qaarkood wajiyadooda la garanayay, waxaana markii howlgalka soo dhamaaday oo la dilay jeebabkooda laga helay aqoonsigooda.
Labada dabley ee la aqoonsaday ayaa la sheegay inay ahaayeen Kenyan dhowaan soo Muslimay.
Baarayaashu waxay ku mashquulsanaayeen sidii ay u heli lahaayeen faah faahin buuxda, waxaana mid ka mid ah magaciisa lagu sheegay Eric Kinyanjui oo 26 jir ah oo ka yimid deegaanka Ngecha ee Limuru, halka midka kalena magaciisa lagu sheegay Faaruuq oo ku dhashay Xaafada isku raranka ah ee Majengo ee magaalada Nairobi.
Sidoo kale Booliska ayaa raadinaya nin lagu arkay Kaamirada CCTV, kaasoo la qadeynayay lixda nin ee ka qeyb qaadatay weerarka, agagaarka maqaayad ku taal wadada Limuru, saacado ka hor weerarka.
Khabiiro kala duwan oo reer Galbeed iyo Kenyan isugu jira ayaa baaraya faraha labada nin ee lagu dilay howlgalka Hotelka DusitD2, sidoo kale waxaa kooxo khubaro loo diray deegaanada ay ka soo jeedaan, si heybtooda oo dhameystiran loo helo.
Labada nin ee u dhashay Kenyanka ayaa la sheegay inay Soomaaliya aadeen oo ay tababar la soo qaateen Al-Shabaab, kaddib markii ay Diinta Islaamka qaateen