Madaxweyne Biixi Oo Qaaday Jidkii Lagu Dhaliili Jiray Macalinkiisii Hore Iyo Wasaaraddihii Qaranka Oo Haawanaya + Wax Shaqo Ah Oo Aan Ka SoconĀ 

Madaxweyne Biixi Oo Qaaday Jidkii Lagu Dhaliili Jiray Macalinkiisii Hore Iyo Wasaaraddihii Qaranka Oo Haawanaya + Wax Shaqo Ah Oo Aan Ka Socon

Hargeysa ( ) Madaxweyne Biixi ayaa qaaday jidkii Ā Madaxweynihii hore ee KULMIYE, Ā waxaanu sidii Madaxweyne Siilaanyo lagu yaqaan si lamid ah socdaalkiisa uu ku marayo Gobolada Bariga Dalka horkacay badi xubnaha Golihiisa Wasiiradda oo ay weheliyaan wasiir ku-xigeeno ilaa Agaasimayal Guud.

Mudda uu socdaalka Madaxweyne Biixi ku mareyey Gobolada Bariga qaarkood, ayaa waxa haawanayey dhammaan-ba xarumihii Wasaaraddaha dalka, kuwaas oo aanay wax shaqo ahi ka socon, isla markaana ay shaqaaluhu iska hadhsanayaa xafiisyada, madaama ay wasiiraddii iyo ku-xigeenadii iyo Agaasimayaashii Guud ay dabayaceen Madaxweynaha socdaalka .

Dhanka kalene Madaxtooyaddii Somaliland ee dalka laga maamulayey ayaa iyana haawanay Ma jirto cid qaabilaysa haddii ay wefti yimadaan dalka, Madaxweyne ku-xigeenkii ayaa isna u duulay dalka dabadiisa,waxaana shaaha ku dhex cabayey midhadh shaqaa leh ah oo lagag tegay.

  1. Madaxwayine ku 3.xigeenkiid
  2. Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Gudaha
  3. Wasiirkii Wasaaradda gaashaandhiga
  4. Wasiirkii Wasaaradda wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo kalumeesiiga
  5. Wasiirkii Wasaaradda beeraha
  6. Wasiirkii Wasaaradda Deegaanka iyo xormariinta reer miyiga
  7. Wasiirkii Wasaaradda arimaha dibada
  8. . Wasiirkii Wasaaradda Cafimaadka
  9. Wasiirkii Wasaaradda Maaliyada
  10. Wasiirkii Wasaaradda maacdinta
  11. Wasiirkii WasaaraddaĀ  cadaalada iyo garsoorka.
  12. Wasiirkii Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada
  13. Taliyihii Ciidanka Qaranka
  14. Taliyihii Ciidanka Booliska
  15. Taliyihii Ciidanka Badda
  16. Taliyihiin Ciidanka Asluubta

Docda kalene falaqeeyayaasha siyaasada Somaliland ayaa sheegay in aanay haboonay inay wasiiradda iyo ku-xigeenadu ay dabayacaan Madaxweynuhu Ā socdaalkiisa uu ku marayo gobolada dalka, balse waxay sheegeen in loo baahnaa inay u adeegaa bulshadooda oo ay xafiisyadooda fadhistaan si ay hawlaha loo igmaday ee Qaranka ugu socdaan oo aanay istaagin.

Dhanka kalene Waxa iyana la socdaya Madaxweyne Biixi Wasiir ku-xigeeno iyo agaasmiayaal Guud iyo Xafiisyadii Wasaaradda dalku ay haawanay, isla markaana aanay wax shaqo ahi ka socon mudda-da todobaadka ah ee y Madaxwweyne Biixi socdaalkiisa ku marayey Gobolada Bariga Dalka.

Si Kastaba ahaatee Madaxweyne Biixi ayaa u muuqda inuu qaaday jidkii lagu dhaliili jiray Madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo, waxaana muuqata in socdaalkiisii ugu horeeyey ee gobolada dalka ay daba yacaan Golihiisii Xukuumadda iyadoo ay haawanayaan dhamaan xarumihii Wasaaraddaha Dalku oo aanay jirin wax shaqo ah oo ka socota, isla markaana ay shacabkii loo adeegi lahaa dul meehanaabayaa xafiisyada haawanaya