Madaxweyne Muuse Biixi Oo Toddobaadkan La Kulmaya Madax-dhaqameedka Iyo Waxgaradka Beelaha GARXAJIS Iyo Arrimaha La Filayo Inay Ka Wada-hadlaan

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ -Madaxtooyadda Somaliland ayaa qaban-qaabinaysa kulan la filayo in uu toddobaadkan dhex-maro Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo madax-dhaqameedka beelaha Garxajis.
Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu muhiimad gaar ah siinaya kulan uu doonayo in uu la yeesho Madax-dhaqameedka iyo waxgaradka kala duwan ee beesha Garxajis.

 

Warar xog-ogaal ah oo ay heshay shabakada salanmedia.com. ayaa waxa ay sheegayaan in qaar ka mid dadkii la doonayay in lagu casuumo kulankaasi ay ka cudur-daarteen, walow la sheegayo ay jiraan Madax-dhaqameed caan ah oo ogolaaday inay ka soo qayb-galaan casuumadaasi, waxaana la sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu qorsheeyay in uu casuumad u fidiyo ku dhawaad illaa 200 oo ka mid waxgaradka beeshaasi.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa la sheegay in uu waxgaradkan iyo Madax-dhaqameedkan kala hadli doono arrimo dhawr ah oo ay ka mid ah tahay sidii ay ula shaqayn lahaayeen oo ay dadka deegaannadooda-na ugu qancin lahaayeen inay la shaqeeyaan xukuumaddiisa.
Madax-dhaqameedka, Xildhibaanno iyo waxgarad kale oo maanta shir ku qabtay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa waxa ay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyeen in uu faro-galin qaawan ka dhex wado beeshooda oo uu kala qaybinayo. Xumad. Jabina. Doonaaya inuu ka dhigto.odayashan oo ay ku tilmaameen. JIN DAAGEY. Ama. Waji. Ku. Macaash. Aan. Beesha. Garxajis. Matalin