Raysal Wasaare Ku Xigeenka Somaliya Oo Maanta Moqdisho Ka Dhoofay Kana Qeyb Gali Doona Shir Caalami Ah

Muqdisho (Salaanmedia.com)_ Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta u dhoofay dalka Jordan oo uu uga qayb galayo shir ay leeyihiin madaxda wadamada Carabta oo looga hadlayo Is-bedelka Cimillada adduunka iyo deegaanka.

Shirkan oo diiradda lagu saarayo hanaanka wadamada Carabtu isaga iskaashanayaan hagaajinta deegaanka iyo arrimaha la xariira is-bedelka cimilada aduunyada ayaa waxaa sidoo kale ka qayb gelaya hey’adaha caalamka ee ka shaqeeya deegaanka iyo is-bedelka cimilada aduunyada.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in kulankaan uu muhiim u yahay Soomaaliya oo kamid ah dalalka dhibaatada badan ku qaba xaalufinta iyo jaridda dhirta iyo waxyaabaha kale ee laga dhaxlo ee ay kamidka yihiin fatahaadda iyo abaaraha