Somaliya Oo War Ka Soo Saartey Weerarkii Lagu Qaadey Xarunta Qaramada Midoobey Ee Xalane

Muqdisho (Salaanmedia.com)_ Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay hoobiyeyaal kooxda Al-Shabaab ay shalay ku weerartay xarunta Xalane ee ay degan yihiin shisheeyaha ku sugan Soomaaliya.

Weerarkaas ayaa QM ay sheegtay in laba ka mid ah shaqaalaheeda ay dhaawacyo kasoo gaadheen.

Qoraalka ayaa lagu yidhi “Wasaaradda Amnigu waxay cambaaraynaysaa falkii foosha xumaa ee ururadda argagixisadu hoobiyayaal ugu soo tuureen Xarunta Xalane. Waxay aad uga xuntahay in weerarkaas ay ku burbureen hanti, waxyeelona ka soo gaartay shaqaalahii joogay xarunta Qaramada Midoobay. Waxay caafimaad u rajaynaysaa dhamaan dadkii ku waxyeelobay dhacdadaa.

“Waxay dabagal iyo baaris ku haysaa dadkii geystay falka. Waxay la socodsiinaysaa shacabka Soomaliyeed in ay gacan ku soo dhigi doonto dhamaan cidi ka dambaysay falkaa foosha xun, lana wadaagi doonto natiijada barista” ayaa qoraalka uu intaas ku daray.

Hoos Ka Aqriso Qoraalka Wasaaradda Amniga Soomaaliya.