Suldaan Axmed Maxamed Colhaye (Salmaan) oo lagu Caleemo-saaray Arabsiyo

Arabsiyo (SMEDIA)- Munaasibad dhaqan oo si quruxle loo bilay, isla markaana lagu caleemo-saaray Suldaan Axmed Maxamed Colhaye (Salmaan) oo ka mid noqday Madaxda dhaqanka Somaliland, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Arabsiyo ee gobolka Gabiley.

Madax-dhaqameed ka kala yimi gobollada iyo degmooyinka Somaliland iyo dalalka jaarka, Wufuud isugu jiray Odayaal, Ganacsato, Masuuliyiin, Mudan iyo Marti-sharaf kale oo badan, ayaa lagu casuumay oo ka qaybgalay Xafladda Caleemo-saarka Suldaan Axmed Maxamed Colhaye (Abu-Salmaan), waxaanay Madaxda dhaqanka ee ka qaybgalay halkaas ka jeediyeen hadallo isugu jiray, duco, waano, talo iyo tusaale-ba.