Ururka Al Shabaab Oo Shaaciyey Sababta Ay U Weerareen Hotel-kii Magaalada Nairobi Ku Yaalay

Nairobi (Salaanmedia.com)_ War ka soo baxay Xarakadda Alshabaab ayaa waxaa lagu sheegay in Weerarkii ay Salaasadii ku qaadeen Hotelka Dusit D2 ee magaalladda Nairobi uu jawaab u ahaa Go’aankii uu Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ee uu Caasimadda Israel ugu aqoonsadeen magaalladda Quddus-ta La-hayo ee dhulalka Reer Falastiin.

Labo Qoraal oo ay Alshabaab soo saareen waxay ku sheegteen mas’uuliyadda Weerarkaasi, iyagoo sheegay inuu Hawlgalkaasi jawaab cad u yahay hadalkii Donald Trump iyo Go’aankiisii uu Caasimadda israel ugu aqoonsaday magaalladda Quddus-ta la-haysto ee Reer Falastiin.

si kastaba ha ahaatee, Alshabaab waxay sheegeen inay sii wadi doonaan Hawlgalka ay kaga soo horjeedaan Go’aanka Maraykanka ee ay magaalladda Quddus ugu aqoonsadeen Caasimadda Israel.