Wasir Abdirahman Guribarwaaqo ceebta maahee waa caadada inaad qorto hadal aanad ka firsan oo dhataq kaa yidha..Jan 23.19

 Wasir Abdirahman Guribarwaaqo ceebta maahee waa caadada inaad qorto hadal aanad ka firsan oo dhataq kaa yidha..Jan 23.19

Wasirka wasaaradda warfaafinta Abdiraxman Abdillahi Guribarwaaqo qoraalka uu ugu jawaabayo Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Dr Abdirahman Mohamed Abdilhaali Cirro hadal uu u jeediyay maruu lahadlayay taageerayaasha Xisbiga oo kusoo dhaweeyay Gudoomiyaa Airport ka Hargeisa 20/01/2018. oo uu ku faafiyay Wakaladda Wararka Somaliland ee SOLNA,

waxuu sidiI caadada u ahayd kula dulkufay hadal aan xaaqiiqo ahayn oo iska mala awaal ah, marka 2aadna ayka muuqato Nacayb, Xaqiraad iyo qardojeex indho la’aana oo uu kula kacay Maamulka Khatumo State.

 

Waxa nacayb aanu qarsanayn u qabaa Maamulki Khatumo State oo magaciisa ugu yeedhay ama kusoo koobay Cali Khalif taaso cadaynaysa nacaynka iyo xaqiraada ku jirta inuu xuso ama soo qaado magaca Khaatumo State.

Waxa uu iska mala awaalayaa isagoon wax reference ama taarikh ah sheegin imuu 12 sano Gudoomiye Abdirahman Cirro hortaagnaa in xeerarka doorashooyinka la ansixyo, waa hadal layska yidhi, oo been ah, wax macno ahna bulshada usamaynayn waayo bulshadu waa kuwo aqoon leh oo aan qaadanayn hadal noocaas ah oo kasoo yeedhay Nin Masuuliyad Qaranaka u haya, hadalkaasi waa (KU MAQIIQ) uun iyo Dawladaadda Wasirka aad tahay difaac.

 

Waxuu xusay Wasirku Gudoomiye Abdirahmaan Mohamed Abdillahi inuu ka warwareegayo inay doorasho dhacdo laakiin muu sheegin sababta uu uga warwareegayo doorashada Parliament ku inay qabsoonto, (waxaan u daynayaa hadalkaa akhristayaasha Maqaalkan inay faaleeyan) waxaan qabaa anigu inay tahay uun (KU MAQIIQ) waayo Xsbiga Wadani wuu cadeeyay inuu diyaar u yahay inay doorasho qabsoonto, doorashaduna maaha tii Madaxweynaaye waa tii Parliament ka.

 

Waxa kale oo uu ka hadlay Wasir Guribarwaaqo Xisbga Wadani inuu kaxaysto oo uu la baxo Xibintiisa ugu jirta Komishanka Doorashooyinka Qaranka, hadalkaas oo ah hadal ilaa iyo xad foolxumo ku ah Hay’adaha Qaranka in loo kala abtiriyo waxaanay cadaynaysa siina xoojinaysa Xubnaha Komishanka Xisbiga Kulmiye ugu jiraa inaanay ahayn kuwo dhex ah oo ay yihiin qaar  Kulmiye dantisa Komishan u ah,  taasoo aanu marnaba Xisbiga Wadani qabin Xubintuu magacaabay inay isaga u joogto, ee tahay Xubin ka mida Komishanka Qaran oo dhamaan Xisbiyada u dhaxaysa, marqudhana aanu meelna ku xusin, waxuu hadalkaasi meelka dhac ku tahay Komishanka Qaranka ee midka ah, iyo Haybadda Qaranimada Somaliland, waa hadal aan sidii caadada u ahayd Wasir Guribarwaaqo aan loo meel deyin waa (KU MAQIIQ).

 

  1. Wasir Guribarwaaqo waa kuma hadaba? J. waxa weeye ninka buuga qoray ay ka buuxdo aflagaada iyo meelka dhaca aan lasoo koobin karin weliba Wasir nimona ku helay,

dhaqanka Somalida ragu markay gole ka hadlayaan waxaa jira Hadalo iyo Maahmaahyo aan lasoo qaadan oo la yidhaa NIN WAYN OO HADALKA DHACAY WAA GEED QOLOFI KA DHACDAY taas oo kale ayuu ka dhiganyay Wasir Guribarwaaqo,

waxaa jira birmo gaydo dhaqanka Somalida, wanaa kuwaa uu buugisa ku xardhay wasirkuu,

  1. Sayid Mohamed Abdilleh Hassan (Rahimahu Allaah) waxuu ahaa Geesi u dhashay dalka Somaliland, Wasir Guribarwaaqo oo ah Wasirka Warfaafinta, Hiddaha iyo Dhaqanka, iyo Wacyi gelintu waxuu Wasirka sida gaarka ah uga masuulka ah imuu maamuuso, magaciisana wayneeyo, taas badalkeedii aflagaado iyo cay beena ayuu ka qaray buugisan, Waxaynu dhamaanteen wada ognay Sayid Mohamed Abdalle Hassan (R Allh) in buugaag iyo qoraalo badan Cadaan iyo Madowba ka qoreen laguna tilmaamo Geesi geeska Afrika, dalalka jaarka Somaliland la ahina ay Taalooyin u dhiseen sidaa Soamliya iyo Dowlad deegaanka Somalida Ethiopia, waa nasiib darro.
  2. Wasir Guribarwaaqo waxaad la socotaan inu Hablaa Somaliland oo dhan caayay buugiisana ku qoray, taasoo ah Gef aad u wayn oon lasoo koobi Akhiro iyo Aduunba ku xun,

Hadaba guntii iyo gabogabadii waxaan isoo jeedin lahaa Wasir Guribarwaaqo inuu Xilka wasiirnimo ee uu ummadda u hayo uu iska Casilo waayo wuu ku fashilamay.

 

  1. Wasirku Magaca GURIBARWAAQO mow qalmaa markaad waxaaso dhan eegto?

 

Faisal Gamadid.