Xuutiyiinta Yemen Oo Duqeeyay Daldhig Ku Yaala Dalka Sacuudiga

Yemen (Salaanmedia.com)_ Hadal-qoraal oo ka soo baxay Maleeshiyadda Xuutiyiinta ee dalka Yemen waxay ku sheegteen inay Gantaal Balaastik ku duqeeyeen Saldhig Milliteri oo ku yaalla Gobalka Najraan ee Koonfurta Sacuudiga

Xuutiyiinta waxay sheegeen inay Gantaal lagu magacaabo “Badar 1 la beegsadeen Saldhigga Milliteri oo ku yaalladda Deegaanka Bir Askar, balse Milliteriga Sacuudiga weli kama hadlin sheegashadaasi.
Labo maalin ka hor, Maleeshiyadda Xuutiyiinta waxay Diyaarad nooca aan Duuliyaha Lahaayn ee Daroonka ku duqeeyeen Saldhig ay Milliteriga Sacuudiga ku leeyihiin magaalladda Jizaan oo u dhow xuduudka Yemen.
Jimcihii la soo dhaafay, Isbahaysiga Sacuudiga waxay sheegeen inay burburiyeen Saldhig ay Xuutiyiinta ka hagi jiray Diyaaradaha Darooniska ee Kooxdaasi leeyihiin.