BAAQ UU SOO SAARAY URURKA MIDNIMADA DIREED: BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM..FEB 13.19

AKHRI BAAQ UU SOO SAARAY URURKA MIDNIMADA DIREED:
BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM
Ku: Raiisal wasaaraha Dawlada Federalka ah ee Itoobiya mudane Abiy Ahmed
Ku: Madaxweyne Dawlada deeganka Somali State mudane Musafe Cagjar
Ku: Saxaafada Afka Somaliga iyo saxaafada Dalka Itoobiya.
OG: Gudoomiyaha XDSHSI mudana Ahmed Shide
Ujeedo Baaq:
Salaadiinta, Boqorada, Ugaasyada, Cuqaasha, saraakiisha, siyaasiyiinta,
aqoonyahanka iyo waxgaradka beelweynta Direed ee ku bahoobay Ururka
Midnimada Direed (UMD) waxay ku baaqayaan,
1. In aanay aqbali doonin go,aanka uu ku dhawaaqay madaxweynaha
dawlad degaanka Somali State mudane Mustafe Cagjar ee uu ugu
cimaamaday amniga Somali State malayshiyadii ONLF ee beesha
Ogaadeen iyo malayshiyadii LIYUU POLICE ee isla beesha Ogaadeen.
2. In aan lagu aamini karin amniga Somali State labadaas malayshiyo ee
isku reerka ah ee hore xasuuqa, barakicinta, dil, boobka iyo dhaca ugu
gaystay umadda degta Somali State.
3. In loo baahanyahay in la dhiso ciidamo amni oo ay kuwada
kalsoonyihiin, kana wada dhexmuuqdaan dhamaan umadda degta
Somali State.
URURKA MIDNIMADA DIREED
Ugu dambeyntii Ururka Midnimada Direed wuxuu madaxweyne Musafe
Cagjar usoo jeedinayaa inuu muujiyo hogaamin ku dhisan xaqsoor iyo
cadaalad, oo uuna dhiso dal iyo dawlad la wadaleeyahay, kana xoroobo
qabyaalada iyo nidaamka reernimada ku salaysan.
Fiiro gaar ah: Ururka Midnimada Direed (UMD) waxaa ku bahoobay afarta
haamood oo ay ka kooban yihiin beelaha Dirka, oo kala ah Madaxweyne Dir,
Maha Dir, Madoobe Dir iyo Madaluug Dir.
Wa bilaahi towfiiq
Febraayo 10/2018
Ibrahim Ali Adan
Gudoomiyaha Ururka Midnimada Direed (UMD)

Saleban Abdi Ali / Chief Editor
+252 63 634229772 | +252 63 4475736

editor@gobanimonews.com

Gobanimo News Agency 
Hargeisa, Somalia.
http://www.gobanimonews.com/