DAAWO: “Saldhiga Berbera Waanu Kiraynay…” Madaxweyne Muuse “Saldhigga Berbera Kiro Kama Qaadano …” Madaxweyne Biixi Iyo Wasiir Sacad Keebaa Shacabka Reer Somaliland Run U Sheegaya

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ )-Madaxweynaha Somaliland ayaa mar uu waraysi la yeeshay Wariye Cabdisalaan Hereri waxa uu sheegay in Somaliland ay saldhigga millatari ee Imaaraadka ka dhisanayo Berbera ay ka kiraysay oo ay lacag kiro ah ka qaadayso.
Dhan kale Wasiirka wasaaradda maaliyadda Sacad Cali Shire oo la weydiiyay sababta ay miisaaniyadda qaranka ugu soo dari waayeen lacagta kirada ee saldhigga Berbera ayaa waxa uu si cad u sheegay in aan wax kari ah laga qaadi doonin.
Haddaba su’aasha ay shacabka reer Somaliland is weydiinayaan ayaa waxa ay tahay keebaa sax ah hadalka Madaxweynaha iyo wasiirka.

Halkan hoose ka DAAWO

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa bartiisa waxa uu kaga hadlay arrintan iyo labadan hadal ee kala duwan ee ka soo yeedhay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiir Sacad Cali Shire