Daawo Sawirada : Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Borama Loogu Soo Dhaweeyey

Boorame (Salaanmedia.com)_ Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo ay booqasho shaqo ugu baxeen.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayey shacabka ku dhaqan magaalada Boorama oo ay hormood u yihiin salaadiinta, cuqaasha, waxgaradka, waayeelka, haweenka iyo maamulka gobolku, kaga hortageen dhinaca Bari ee magaalada, waxana ay u galbiyeen xarunta khayriyada magaalada, halkaas oo bulshada looga jeediyey hadallo mahadnaq iyo bogaadin ah.

Maayarka Boorama, Mudane Saleebaan Xasan Xaddi, guddoomiyaha gobolka Awdal, Mudane Cabdiraxmaan Axmed Cali, wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Xildhibaan Axmed Yaaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo la hadlay shacabka isugu soo baxay soo dhaweynta madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa bulshada ku dhaqan guud ahaan gobolka Awdal si isku mid ah ugu mahadnaqay, waxana ay ku bogaadiyeen inay ilaashadaan isku duubnidooda, horumarka gobolkana ka shaqeeyaan