Dhagaysiga Dacwad Abwaan Cabdiraxmaan Abees Oo Maanta Ka Bilaamatay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex waxaa maanta ka bilaabmay dhageysiga dacwada Abwaan Cabdiraxmaan oo muddo ka badan bil ku xidhan magaalada Hargeysa.

Abwaan Cabdiraxmaan Abees ayaa waxa lagu soo eedeeyay in uu ku gefay ciidammada booliska Somaliland, iyo hay’addaha kale ee dawladda.
Abwaan Cabdiraxmaan Abees ayaa la xidhay ka dib markii uu tiriyay gabay uu kaga hadlay dhacdooyin uu kala kulmay mid ka mid ah saldhigyadda booliska ee magaalada Hargeysa.
Warar aan hadda helayno dadweyne u yimid dhageysiga dacwada ayaa booliisku ka hor istaageen inay gudaha u galaan hoolka dacwadu ka socoto.