Farmaajo Oo Soo Dhoweysay Arin Uu Madaxweyne Biixi Shalay Ka Aqbalay Raysal Wasaaraha Itoobiya

Muqdisho (Salaanmedia.com)_ Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay bogaadineyso go’aanka uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ku aqbalay in Dawladiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib wada-hadal galabta ay magaalada Addis-Ababa ku yeesheen madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Bayaan kasoo baxay xafiiska Abiy Ahmed kadib wada-hadalladaas ayaa lagu yidhi “Muuse Biixi, waxa uu aqbalay baaqa ra’iisul wasaaraha ee ah in lasii xoojiiyo xidhiidhka wada-shaqeyna ee Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Mid taas la xidhiidhta waxaa lagu heshiiyey in la qabto wada-hadallo fool ka fool ah mustaqbalka”

War-saxaafadeed caawa kasoo baxay Villa Somalia ayaa u qornaa sidan: –

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa sida Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan.

Dowladdu waxay u aragtaa in tallaabo wanaagsan hore loo qaaday, waxayna xoojineynaa aqbalaadda Madaxweyne Biixi, iyada oo diyaar u ah in ay ka miro dhaliso wada shaqeyntaas.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhiirrigelinaysaa dadaalka uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo muujiyay sida ay uga go’antahay dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika oo ay Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritreeya hormuudka ka yihiin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u taagantahay sidii hore loogu sii wadi lahaa wada hadallada xoojinaaya wadashaqeynta, loona abuuri lahaa jawi wanaagsan iyo horumar.