Guddoomiye Ku-xigeen Wakiilada Oo Ka Hadlay Qaddiyadda Saami-qaybsiga Golahooda Feb 19, 2019

Guddoomiye Ku-xigeen Wakiilada Oo Ka Hadlay Qaddiyadda Saami-qaybsiga Golahooda

Feb 18, 2019 Boorama (SM)-Guddoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Somaliland Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, ayaa dib u dhaca doorashada golaha wakiilada ku tilmaamay mid siyaasi ah loona baahan yahay in shacbiga Somaliland ay ka tashadaan saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada.maxresdefault

Waxa uu guddoomiye ku xigeenku sheegay in aanu golaha wakiiladu awood u lahayn inuu qaybiyo arimaha saami qaybsiga oo uu ku tilmaamay arin siyaasadeed, waxaanu ugu baaqay xukuumada iyo guud ahaan dadka Somaliland in arinta dib u eegis xoog badan lagu sameeyo.

Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle ayaa sidan u sheegay waraysi dheer oo laanta Afka Soomaaliga ee VOA ay wax kaga waydiisay guddoomiye ku xigeenka sababta ay u samayn waayeen xeerkii lagu soo dooran lahaa golahii iyaga badali lahaa.

Waxaanu isaga oo arimahan ka hadlaayay guddoomiye ku xigeenku uu yidhi“Haddii ay arintaasi xeer ahaan u xanibantahay waxaynu odhan lahayn golaha wakiiladu lug ayuu ku leeyahay dib u dhaca doorashada, laakiin xeerkas horena waa loo cadeeyay imikana waan cadaynayaaye xeer ahaan uma xanibna siyaasad ahaan ayuu u xaniban yahay, golaha wakiiladu go’aan kama gaadhi karo mana qaybin karo mana ku heshiin karo inuu isagu sameeyo saami qaybsigii lagu soo dooranaayay arintani waa arin soo jireen ah oo labaatankii sanadood ee ugu danbeeyay laga hadlaayay ilaa wakhtigii Cigaal jirtay, wakhtigii Rayaale jirtay, wakhtigii Axmed Siilaanyo jirtay arintaasina waxay ahayd waar kuraastan baarlamaanka ee maanta lagu fadhiyo si cadaalad ah looma fadhiyee si cadaalad ah loo qaybsado.

Guddoomiye ku xigeen Axmed Yaasiin oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Hadaba cadaaladii marka lagu dhaqaaqayo noocee aynu u qaybsanaa, sida tabashada weyn laga muujiyay waa sidii lixdankii 33 kii kursi oo lagu dhuftay 2 iyo badh oo markaas 82 noqday, qaacidadaas cabasho ayaa laga keenay, qaacidooyinka kale ee yaalayna waa kii golihii inaga horeeyay lagu soo doortay oo qabaa’il ku salaysnaa , qaacido kale ayaa iyaduna odhanaysa tirakoob hala qaado dadka dalka ku nool si rasmi ah haloo tiro koobo dabadeedna hala soo saaro kursiga baarlamaanka Somaliland imisa ayuu joogaa, oo kursiga marka lanbarkiisa la heli la yidhaahdo Awdal imisaa iska diiwaangaliyay,Maroodi-jeex waa imisa, Togdheer waa imisa oo Sool waa imisa, wali taas laguma heshiin,golaha wakiiladu horena waa uu u cadeeyay imikana waanu cadaynaynaa arintan in saamiga la qaybsadaa, goluhu waxa uu yidhi arintaas saami qaybsiga goluhu awood uma laha uu ku qaybiyee qaranku talo guud ha ka yeesho oo halaysugu yimaado oo caqabadaha jira iyo dooda jirta iyo gobal walba waxa ay doodiisu tahay hasoo bandhigo,haddii odayaasheenii xigmada badnaa ee caqliga badnaa ee cilmiga badnaa ee caqiidada wanaagsanaa ay sameeyeen haykalkan dawladnimo ee aynu dhawr iyo labaatanka sano ku dhaqmaynay, maanta bal aqoontii jaamacadaynu intaas ka soo baxaynaa, dadkii da’da yaraa ayaa siyaasadii soo galay,rag aanay waayo aragnimadoodu kaba yarayn odayaashaas ayaa taladii haya, maanta maalintii aynu wax qaybsan lahayn miyaynaan joogin.”