Madaxweynaha Somaliland Oo Addis-Ababa Kula Kulmaya Dhiggiisa Soomaaliya, Raysal Wasaare Abiy Axmed Oo Dhex-Dhexaadinaya

addes Ababa (Salaanmedia.com)_ Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajo ayaa lagu wadaa inay ku kulmaan magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya

Kulankan oo uu soo qabqanqaabiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa haddii uu dhaco waxa uu noqonayaa kulankii ugu horreeyay ee Soomaaliya iyo Somailand ay yeesheen tan iyo sannadkii 2015-kii iyadoo hakad uu ku yimid wadahadallada labada dal.
Madaxweyne Farmaajo xalay gaadhay magaalada Jabuuti, halkaasoo uu kula kulmayo Madaxweynaha Jabuti Ismaaciil Cumar Geelle kahor inta aanu u ambabaxin magaalada Addis Ababa.
Lama oga ajandayaasha kulankan lagaga hadli doono hase yeeshee Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa hore ugu eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu cunoqabatayn dhinac walba ah ku hayo Somaliland.
Madaxweyne Farmaajo ayaa toddobaadkii hore kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed xilli uu ka qeybgalayay Shir Madaxeedka Ururka Midowga Afrika.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa la filayaa in uu maanta u safro magaalada Addis Ababa, kaddib markii uu martiqaad uu u soo diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.
Dalalka Turkiga, Jabuuti iyo Britian ayaa hore u waday dadaalada lagu doonayo in lagu dhex dhexaadiyo Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo shirar lagu qabtay dalalkaas.