Madaxweynaha Somaliland Oo Wafti Uu Hogaaminaayo Oo Lagu Soo Dhaweeyey Gobalka Gabilay + [ Sawiro / Muuqaal ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley oo ay socdaal shaqo ku tageen.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo safar shaqo ku jooga gobolka Gabiley, ayaa waxa soo dhaweyn diirran ku qaabiley qaybaha kala duwan ee shacabka reer Gabiley oo ku labbisan calanka Jamhuuriyadda Somaliland, caleemo qoyanna lulaya, isla markaana ay hormood u yihiin maamulka heer gobol iyo heer degmo, kuwaas oo ay ka muuqatay taageerada hagar la’aanta ah ee ay la garab taagan yihiin madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Kumannaan kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Gabiley oo taxnaa waddada weyn ee badhtamaha magaalada marta, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa u gelbiyey guriga martida magaalada Gabiley