Madaxweynaha Soomaaliya Oo Maanta La Kulmaya Dhiggiisa Jabuuti

Jabuuti (Salaanmedia.com)_ Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka soo laabtay safar labo cisho qaatay oo uu ku tagay magaalada Bujunbura ee dalka Burundi ayaa xalay gaadhay dalka Jabuuti.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco uu kulan la qaato dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo la filayo in ay isla soo qaadaan xoojinta xidhiidhka, xaaladda guud ee gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga amni ee labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Socdaalka madaxweynaha Soomaaliya ku tagay dalka Jabuuti ayaa imaanaya xilli uu xumaaday xidhiidhkii Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, lamana oga in labada madaxweyne isla soo qaadi doonaan arrimahan soo cusboonaaday ee labada dal.
Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Maxamed Cali, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo taliyaha Ciidamada xoogga dalka Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarsho).